Kulan xalay dhexmaray Wafdiga Madaxweynaha Puntland iyo Odayaasha Qardho

November 24, 2012 - Written by

Qardho:-Wararka naga soo gaaray xalay Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ayaa sheegay in wafdi uu hogaaminayey Madax weynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ay kulan gaar ah la yeesheen Odayaasha , Nabadoonada iyo waxgaradka degmada Qardho.

Kulanka xalay ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka amniga dowlada Puntlland Col. Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka deegaanka Cabdiqani  Yuusuf Cadde ,Wasiiru dowllaha dhinac sharciga ee Puntlland  Gen .Yuusuf axmed Kheyr, Wasiirul Dowllaha  Dekkadaha  Cabdi qani  Salaad, madaxda maamulka degmada Qardho, Saraakiil ciidan  iyo waxgarad kale.

Kulan xalay ayaa waxaa warbixin looga dhagaystay Maamulka Degmada Qardho iyo taliyaasha ciidanka ee magaalada waxaan warbixnta  iyo waraysi ka dib ay odayaasha iyo wafdiga wasiirada ee la socday madaxweynaha Puntland ay si toos ah uga wada hadleen xaalada magaalada iyo wax qabadka ay u baahan tahay in laga  hirgaliyo Degmada Qardho  odayaasha ayaa  cabasho u gudbiyey Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in safarkiisu uu ahaa in uu wax ka ogaado xaalada magaalada Qardho dhinac amaanka , iyo xagga horumarka waxaa uuna madaxweynuhu iyo wafdiguusu ay ku doodeen in magaalada Qardho ay wax la wadaagto magaalooyinka kale ee Puntland.

Ilo wareed ku sugan magaalada Qardho oo Halgan.net la xiriirtay ayaa u xaqiijiyey kulanku dhacay xalay waxaan ay noo sheegeen in dood ugu badan ee kulanku uu ahaa mudo korarsiga ay dowlada Puntlland ay samaystay, balan qaadyo ay dowladda Puntland ay horay u samaysay in ay ka fulinayso magaalada.

Wafdiga Madaxweynaha Puntlland ayaa waxaa ay sheegeen in arrinka mudo korarsigu uu yahay mid dastuuri ah oo dhamaan odyaashu ay goob joog ka ahaayeen waxna ka ansixiyeen Dastuurkii Puntland balse aysan iyagu ka dowllad ahaan aysan cida afuubaynin loona baahan yahay in la ilaaliyo nabad gelyadda  ka jirta degaanada Puntlland .

Odayaasha , Nabadoonada iyo waxgaradka degmada Qardho ayaa u sheegay Madaxweynaha in ay ka xun yihiin dhaqaaqadii shalay ka dhacaday Qardho waxayna ku eedeeyeen ciidanka in ay rasaas dadweynihii la beegsadeen taas oo uu ka hadlay wasiirka amniga ee Puntland isaga oo eeda dusha ka saaray siyaasiyiin reer Qardhood ah madaxweynaha ayaa odayaasha uga tacsiyeeyey wixii ka dhacay Qardho .

Odayaasha , Nabadoonada iyo waxgaradka degmada Qardho iyo Madaxweynaha ayaa saaka mar kale kulan wada qaadan doona waxaana la filayaa in Madaxweynuhu kormeer ku sameeyo goobo laga fulin rabo mashaariic kala duwan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online