Maamulka Gobalka Hiiraan oo xabsiga dhigay wariyeyaal ka howlgalaye B/weyne

November 1, 2012 - Written by

Hiiraan:-Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Maamulka gobalka Hiiraan uu saaka xabsiga dhigay koox  wariyeyaal ah oo ka howlg gali jiray gudaha Degmada B/weyne.

Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ku eedeeyey wariyeyaasha la xiray in ay si qaldan iyo masawiro u soo tabiyeen qaabkii loo dilay taliyihii  ciidamada DFS ee magaalada B/weyne  Maxamed Maxamuud Muumin Ildhigte

Wariyeyaasha xabsiga la dhigay ayaa waxaa ka mid ah .

1-Wariye Ibraahin Baashaal oo ka tirsanaa Tv-ga Horn Cable.
2-Wariye Ciise Cabdi oo ka tirsanaa TV-ga Universal
3-Wariye C/risaaq Alcadaala oo ka tirsanaa  TV-ga Royal TV

Dhamaan wariyeyaasha kor ku xusan ayaa la dhigay xabsi ku yaal magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana haatan socda dadaalo lagu sii deynayo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online