Madaxweynaha DFS oo Shirjaraa,id ku qabtay Muqdisho kana hadlay arimo kala duwan(Dhageyso)

November 14, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha JFS  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa waxaa uu shir jaraa,id ku qabtay xarunta Villa Soomaaaliya ee magaalada Muqdisho wuxuuna madaxweynaha ka hadlay arimo ay ka mid yihiin mowqifka dowladdiisa ee ku aadan maamul u samaynta gobollada dalka, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka.

Madaxweynaha JFS  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladiisa aysan qasab iyo jajuub aysan ku sameyn doonin dhamaan maamul u sameynta dalka laga bilaabo heer degmo iyo mid Maamul gobaleed wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladiisa ay u gacan baneyn doonto shacabka in ay maamuladooda soo sameystaan.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga digay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed in aysan dib u hurin colaad iyo in ay fitno dhex dhigaan dad Soomaaliyeed wuxuuna balan qaaday in dowladiisa ay taageeri doonto shacabka in ay maamul ay raali ka yihiin soo dhistaan .

Madaxweynaha JFS  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaaa kale oo uu ka hadlay  qorshaha maareynta maaliyadda dalka iyo waliba la dagaallanka musuq-maasuqa baahsan ee la degay dowladii ka horeysay oo uu madaxweyne ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.

Madaxweynaha DFS ayaa waxaa uu ka hadlay sidoo kale dhuxusha dhooban gobalka J/hoose wuxuuna sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay in ay xal laga gaaro dhuxusha .

Hoos ka Dhageyso Hadalka Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxmuud .
[audio:https://halgan.net/Mp3/xasan.MP3] ama Halkan

3 Comments so far

Leave a comment

  1. acww
    Khudbada madaxweynaha guud ahaan waa ijaabi,kaliya waxaad moodaa in dowladu warbaahinta u saamaxday in ay ku hadasho afka dowlada,mowqif rasmi ah oo dowladu hada ka hor qadiyad ka qaadatayna la waayo.
    Dhanka jubooyinka kaliya waxaa looga baahan yahay dowlada in sharciga looga baahanyahay ay siiso,dadka gacanta ku hayo maamul samayntana ay caawiso intay ku caawin karto.
    wc

  2. Caddaaladda waa Muhiim. Horta inta Madaxwaynaha JFS aan la’eedayn, dadka Kismanyo, Buaale iyo Garbahaarray heshiish maku yihiin in ay maamul samaystaan?

    Tankale, Madaxwaynaha JFS wuxuu yiri dhulkii dawladda laga soo bilaabo 1991 waa dhul dawladeed, sitaa ninkii guri uga dhisanyahay, waa hanti dawlo oo waa laga qaadayaa! Hadalkaasi soo mafiicna? Cidda ugu badan oo hantidii iyo dhulkii dawladda Soomaaliya ku fadhida waa beeshiisa so maahan?

    Tan saddexaad reer Jubbaland in ay raalli kanoqdaan in Kenya caawiso ama hoggaamiso maamul usamaynta Jubbaland, balse JFS aysan kaqaybqaadan maamulka lasamaynayo micnaheed?

    Anigu Madaxwaynaha JFS Somaliya difaaci mayo, balse caddaala, waxaan nahay Muslim

  3. halkan waxaan kaga hadlayaa khudbadii madax weynaha j f.soomaaliya
    kaga hadlay arimaha maamul u sameynta gololadda jubba land oo uu mar hore
    idaacadaha ka siidaayey anigaa maamul u sameynaya jubba land.
    hadalkaas uu M/weynuhu ka sheegay ayaa waxaa ka xumaaday dadka degan gobolada jubbada hoose gobolka buaale iyo gado meel kasta oo ummadda goboladaas degan aad uga xumaadeen kana niyad jabeen dowladdii loo soo dhisay ummadda soomaaliyeed ee 21ka sanno dhibaatada ku jiray ayaa dowladdii ay u riyaaqeen kuna farxeen waxay u arkeen mid dib ugu celinaysa soomaalia dagaal kale oo la mid ah kii hadda ka hor la soo maray.
    hadda khudbadii uu madax weynuhu akhriyey maanta waxaad moodaa in ay sidii hore ka dabacsan tahay laakiin lama aamini karo hadalka madax weynaha oo wali waxaa dadka madaxiisa ka guuxaya khudbadii uu ka sheegay labada magaalo oo kala ah B/weyne iyo Baydhabo oo u muuqday hadal qabyaaladeed oo iska cad.
    intaas ayaan hadalkayga ku soo koobayaa.
    wa bilaahi towfiiq.
    Ibrahim Nor

Leave a comment

*