Madaxweynaha dowlladda Puntlland oo ku dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed

November 14, 2012 - Written by

Madaxweynaha dowlladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud Faroole  ayaa waxaa uu goor dhow  ku dhawaaqay Xisbi siyaasadeed  uu ugu magac daray  Horseed isagoo maanta kulan ay lahaayeen Golah Baar lamaanka Puntlland kaga dhawaaqay , Madaxweynaha dowladda Puntlland ayaa markii uu xisbigiisa siyaasadeed ku dhawaaqay waxaa la socday Golahiisa wasiirada iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire.

Madaxweynaha dowlladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in isagu uu si ku meel gaar ah uu guddoomiye ugu sii ahaan doono Xisbiga Horseed si dhaqso ahna ay u qaban doonaa shir balaaran oo lagu  soo dhisi doono Golayaasha Xisbiga uu ka koob naan doono.

Madaxweynaha dowlladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa horay saxaafad ugu sheegay in xukuumadiisu ay bulshada ku dhaqan Puntlland ay u horseedi doonto nidaamka Xisbiyadda kana saari doonto qaab beeleedka markii hore lagu soo aasaasay Puntlland ilaa hadda ma  soo shaac bixin Xisbi kale balse waxaa la filayaa in maal maha soo socda lagu dhawaaqo Xisbiyo kale oo ku tartami doona hogaanka sare ee dowlladda Puntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online