Madaxweynaha DFS oo la kulmay hay’adaha Qaramada Midoobay (Warsaxaafadeed)

November 20, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday laamaha kala duwan ee Qaramada Midoobay.“UN-ku dadaallo ayuu ku bixiyey Soomaaliya, Umadda Soomaaliyeed aad ayey ugu mahad-naqeeysaa caawintaas labaatankii Sanno ee ugu dambeysay, waxaa hadda loo baahan yahay in Qaramadda Midoobay hal meel uga soo jeesato arrimaha Soomaaliya. ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxwenyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay in ujeeddada kama dambeeys ka ah ee dowladda Soomaaliya isagoona tilmaamay in gargaarka laga gudbo lana wajaho dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in hay’adaha Qaramada Midoobay looga baahan yahay inay hay’ad walba la shaqeeyso wasaarada ay isku howl-yihiin isagoona tusaale u soo qaatay in Hay’adaha WHO looga bahan yahay in ay la shaqeyso Wasaarada Arrimaha Bulashada si looga guul gaaro howlaha Wasaaradaha horyaal.Ugu dambeeyntii madaxweynaha ayaa ka dalbaday in Qaramada Midoobay ay u soo guuraan Soomaaliya .
– Dhamaad –
Agaasinka Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia,
media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online