Madaxweynaha JFS Xasan Sh Maxmuud Oo U Ambabaxay Dalka Jabuuti

November 26, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxmuud ayaa saaka isaga iyo wafdi uu horkacayo waxay u dhoofeen dalka Jabuuti waxaana garoonka Diyaaradaha ee  Aadan Cabdulle ku sii sagootiyey Guddoomiyaha Barlamaanka, DFS Pro.Jawaari Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Fedraalka,Saacid ,Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta, saraakiil ka tirsan DFS  .

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo wasiirka G/dhiga ee DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi

Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegay in safarka madaxweynaha DFS uu salka ku hayo sidii loo sii wadi lahaa wadahadala DFS iyo Somaliland waxaana arinkaas waday dowlada Jabuuti iyada oo casumaad u dirtay labada dhinac .

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud ayaa waxaa kale oo uu socdaal ku tagi doonaa dalka Itoobiya iyo Kenya isaga oo kala hadli doona xaalada amniga ee Soomaaliya iyo sidii dowladiisa ay taageero uga heli lahayed labada dowladood.

Dhanka Wasiirada arimaha dibada ee DFS  Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa saaka u dhooftay dalka Kenya waxayna saxaafada u sheegtay in socdaalkeeda uu yahay mid rasmi ah ayna kulamo kala duwan la qaadan doonto madaxda dalka Kenya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online