Madaxweynaha Puntland oo Gaaray Carmo kuna sii jeeda magaalada Boosaaso

November 28, 2012 - Written by

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole oo maanta ka soo kicitimay magaalada Qardho ee xarunta Karkaar ayaa ku soo hakaday degmooyinka Waaciya iyo Carmo. Wafdiga Madaxwey naha dowlladda Puntlland ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Jaamac ,gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdi samad Maxamed Gallan , odayaal, ardayda Iskuulka iyo dadweyne fara badan.

Wafdiga Madaxweynaha dowlladda Puntlland ayaa kormeer ku tegay Iskuulka Booliska ee degmada Carmo isagoo kula kulmay saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntlland ee ku sugan xarunta tababarka ee Iskuulka Booliska ee degmada Carmo ayaa warbixn kooban siiyey wafdiga Madaxweynaha.

Kulanka lagu qabtay degmada Carmo ayaa waxaa hadal kooban ka jeediyey Nabadoon Catoosh oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee degmada Carmo isagoo sheegay in uu taageersan yahay nidaamka Xisbiyada badan ee ay dowllada Puntlland ay sheegeen in ka hirgelinayaan degaanada Puntlland.

no images were found

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole oo la hadlay dadweynihii iyo waxgaradkii ka soo qayb galay  kulanka ayaa sheegay in dowlladiisu ay ka go’antahay in laga guuro qaab beeleedka ku dhisan qabiilka loona guuro qaabka Xisbiyada badan ka dibna lagu tartamo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Faroole ayaa la filayaa caawa ilaa beri in uu gaaro magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari isagoo kulamo la qaadan doona Isimada Gobolka Bari.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online