Madaxweynaha Puntland oo qaabilay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somalia Michael Cevone

November 4, 2012 - Written by

Garoowe:-Madaxweynaha Puntland  ayaa xarunta Madaxtooyada ee Puntland wuxuu ku qaabilay  safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somalia Michael Cevone.Safiirka Midowga Yururub u qaabilsan arimaha Soomaaliya waxaa socdaalkiisa ku weheliyey madaxa barnaamijka Midowga Yurub u qaabilsan Nabadgelyada iyo amaanka Somalia Valentino Auricchio.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed faroole ayaa kulanka uu la qaatay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somalia Michael Cevone waxaa ku weheliyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen Cabdisamed Cali Shire wasiirada arrimaha gudaha Jen C/laahi Ila Jiir  ,Wasiirka Beeraha ee Puntland Maxamuud Xaaji Saalax ,Wasiirka Hawlaha Guud iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland .

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somalia Michael Cevone Michael Cervone ayaa la hadlay saxaafada markii uu soo idlaaday kulanka waxaana uu sheegay in Midowga Yururb ay ku taageeri doonto DFS iyo dowlad Gobaleedka Puntland dhaqaale si ay wax uga qabtaan Amaanka  ,waxbarashada ,,cuntada iyo horumarinta deegaanada .

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somalia Michael Cevone ayaa sheegay in ay ugu deeqi doonaan Somalia lacag dhan 158 Malyan oo Doolar
oo 25 kamida ay ku bixi doonto maareynta dhulka daaqsinka ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay  in dhaqaalaha ay Midowga Yurub siinayso Somalia la siin doono Puntland in ka badan 50 Malyan si wax looga qabto kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.

no images were found

Ugu Danbeyntii Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa u mahad celiyey wafdiga uu hogaaminayo safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somalia Michael Cevone .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online