Obama mar kale dib loogu doortay madaxtinimada dalka Maraykanka

November 7, 2012 - Written by

Madaxweyne Barack Hussein Obama ayaa mar kale 4 sanno dib loogu doortay jagada madaxtinimada Maraykanka kaddib markii uu helay in kabadan 303 codadka electoroolka ee doorashada Maraykanka.Musharraxa Mitt Romney ayaa isagu helay 203 codad.
Madaxweyne Obama  ayaa ku guuleystay gobollada sida weyn loogu loolamay ee Ohio, Wisconsin, Iowa, Colorado, Nevada, Virginia iyo 15 gobol oo kale iyo waliba degmada DC, halka Romney uu ku guuleystay 23 gobol oo ay ku jiraan gobollada lagu loolamay ee Indiana iyo North Caroline.
Mitt Romney ayaa ogolaaday in doorashada looga guuleystay. khudbad uu ka jeediyay Romney Boston, Massachusetts, wuxuu u hambalyeeyey madaxweyne Barack Obama guusha uu helay, wuxuuna  yiri in Maraykanka ay wakhtigan horyaallaan caqabaddo badan, isagoo xusay inuu rajaynayo in madaxweynuhu uu si guul leh uu Maraykanka u hoggaamin doono.
Gobolka Florida oo ka mid ah gobollada muhiimka ahaa ayaan wali lagu dhawaaqin oo labada dhinac ay isku dhow yihiin.
Doorashadan Maraykanka waxay ahayd mid si weyn loogu tartamay oo waxay labada dhinac soo wadeen olole qaatay in kabadan sannad iyo bar, ololahaasi oo ahaa kii ugu qaalisanaa ee soo mara Maraykanka.
Madaxweyne Obama oo afar sanno horteed la soo doortay ayaa sheegay inuu doonayo inuu sii wado qorshihiisa ku aadan dib u soo nooleynta dhaqaalaha Maraykanka,Taageerayaasha Obama ayaa ku sugan fagaare ku yaalla Chicago oo la filayo in madaxweyne Obama uu ka hadlo.

VOA

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online