Magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar oo laga furay Salaam Bank(Masawiro)

November 20, 2012 - Written by

Qardho:-Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo xariga looga jarayey Xarunta Cusub ee Salaam Bank Qardho ayaa shalay waxaa lagu qabtay magaalada Qardho waxaana ka soo qeybgalay Wasiiro ka socday Dowladda Puntland,Madaxda Salaam Bank Puntland,Mas’uuliyiin ka socday Shirkadda Isgaarsiinta  Golis ,Maamulka Degmada Qarho,iyo kan gobolka Karkaar,Taliyaha Booliska Puntland,Ganacsato iyo Marti sharaf kale oo aad u farabdan.

Ugu horeyntii waxaa xariga ka jaray Xarunta Salaam Bank Qardho Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan,waxaana ugu horeyntii xaflada Furay Maareeyaha Shirkadda Golis Qardho Sheekh Axmed Cawaale Gaare oo ku tilmaamay Furitaanka Salaam Bank mid ay ka faa’ideysan doonaan dadka ku dhaqan magaalada Qardho, waxa uu xusay in Bankiga Salaam wax yaabaha uu u qabanaayo dadka ku nool Qardho in ay tahay in lacagahooda loo dhigo goob amaan ah,in la siiyo Maalgalin aan dulsaal laheyn (Rib,Interest).

no images were found

Madaxa salaam Bank Shuceyb Xaaji Nuur oo ka hadlay  xafladaani ayaa sheegay in salaam Banka soo kordhiyey Adeegyo casri ah oo ay u baahnaayeen Ganacsatada ku dhaqan Puntland isaga oo suurta galiyey in lacagta ay heystaan marka ay accoun ka furtaan lacagtooda ay kala bixikaraan Daafaha aduunka ,waxa uuna Shuceyb  Xaji Nuur Sheegay in ay xiriir la leeyihiin Bangiyo badan oo ka yaalo aduunka taasina waxa ay suura galisay in si fudud ay macaamiisha lacagta u taalo Salaam Bank ay u qaataan iyadoo aan wax dulsaar laheyn,waana xaruntii saddaxaad ee
laga furo Puntland.

Madaxa Xiriirka Airmaha Bulshada Shirkadda Golis Faarax Xaaji Mire  oo ka hadalay xafladaani waxa uu sheegay in Salaam bank ka yimid Shirkadda Golis gaar ahaan adeega Sahal kaas markii la arkay in ay la dhaceen ganacsato badan ayaa Maamulka Shirkadda waxa ay go’aansadeen in la hergaliyo Bangi ku shaqeeyo Nidaamka Islaamka aan la heyn wax
dursaar ah.

Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in dadka ku nool Magaalada Qardho ay Nasiib u heleen baahi ay u qabeen dhanka bangiyada,waxaana maanta  suura gashay in lacagtooda ay ku keydsadaan Salaam Bank,arintaasina waxa ay keeni kartaa in ganacsiga iyo maalgashiga magaalada ay wax iska badasho, shirkadaha iyo
ganacsatada ayuu ugu baaqay in ay qeyb ka noqdaan Sugidda amniga maxaa yeelay hadii uusan amni jirin hormar ma jiro.
Xafladanai ayaa waxaa ka hadalay Maamulka Degmada Qardho,Kan gobolka waxa ayna soo dhaweeyeen Xarunta Salaam Bank Qardho iyaga oo ugu baaqay in ay sameeyaan maalgalin.

Ugu danbeyntii Xafladaani dadkii ka soo qeybgalay ayaa waxa ay su’aalo weydiiyeen Maamulka Salaam Bank sida uu ushaqeeyo iyo aaminaada lagu qabi karo bangiga waxa ayna ugu jawaabeen i waafi ah iyadoona xafladaani ay ku soo dhamaatay Jawi aad u heersareeyo.

Abdirahman Mah’ed Ali (Black)
Qardho-karkaar-Puntland-Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online