Malaaq Isaaq Ibraahim oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

November 9, 2012 - Written by

Muqdisho:Waxaa Allaha u naxariistee caawa lagu dilay magalaada Muqdisho mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee wax ka soo xulay xilidhaanada DFS, Oday dhaqameedka la dilay caawa ayaa waxaa lagu magacaabaa Malaaq Isaaq Ibraahim. Labo nin oo ku hubeysan Bistoolado ayaa Allaha u naxariistee Malaaq Isaaq Ibraahim waxaa ay ku weerareen gurigiisa waxaan ay huwiyeen rasaas xooggan iyagoo gaarsiiyey dhaawac markii danbe uu u geeriyooday ka dib markii la geeyey  Isbitaalka Daaru-shifaa.

Malaaq Isaaq Ibraahim ayaa waxaa uu ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee beelaha Digil iyo Mirifle gaar ahaan beesha Luway. Kooxda dilka u geystay  Malaaq Isaaq ayaa goobta ka baxsaday waxaan goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan DFS oo sameeyey baaritaan balse aan ilaa hadda ku guulaysan in ay qabtaan kooxdii dilka fulisay.

Malaaq Isaaq Ibraahim ayaa noqonaya oday dhaqameedkii ugu horeeyey oo lagu khaarajiyey magaalada Muqdisho  xili odayaasha dhaqanka loogu  goodiyey in la khaarajin doona xili ay ku howlanaayeen in ay beel walba soo xulaan cid uga mid noqon doonta Golaha Baarlamaanka DFS.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online