Maleeshiyaadkii Afduubka ku heystay 5 qof oo rayid ah Gaalkacyo oo la aaday Jalable

November 22, 2012 - Written by

Gaalkacyo:Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacy ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in 5qof oo rayid ahaa oo afduub loogu heystay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ay maleeshiyaadkii heystay ay ula carareen tuulada Jalable ka dib markii culus uu uga yimid nabadoonada iyo waxgaradka Maamulka Galmudug.

Nabadoonada iyo Waxgaradka Maamulka Galmudug ayaa tan ilaa shalay waday dadaal ay ku doonayaan in ay ku sii daayaan dad rayid ah ee ka yimid Degmada Goldogob  kuna soo jeeday magaalada Gaalkacyo oo ay afduub u geysteen maleeshiyaad la heyb ah mid ka mid ah dhalinyaro  ay Puntland ku eedeysay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab balse uu Maamulka Galmudug diiday arinkaas.

Waxaa kale oo maanta kulan isigu yimid waxgaradka iyo Nabadoonada magaalada Gaalkacyo ee labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug waxaana ay ka wada hadleen in la ilaaliyo nabada iyo daris wanaaga wixii dhibaato ahna lagu xaliyo wadahadal dhexmara labada dhinac.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online