Maxkamada Darajada 1aad ee danbiyada culus oo xukun ku riday Eedaysanyaal

November 15, 2012 - Written by

Gaalkacyo:- Maxkamada Darajada 1aad ee ciidanka iyo danbiyada culus ee Puntlland ayaa waxaa la horkeenay shalay eedaysanayaal gaaray ilaa 49 qof oo ku kala eedaysan danbiyo kala ah ka tirsanaan ururka Al-shabaab ,askar ka tirsan ciidanka Puntlland oo lagu eedeeyey falal amaan daro in mudo ahna ku xirnaa Xabsiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidanka ee dowlladda Puntland C/laahi Xirsi Cilmi oo la hadlay saxaafada ayaa u sheegay in Maxkamadu ay maalmihii la soo dhaafay ay ku jirtay baaritaan dadka xiran iyagoo markii danbe guul ka gaaray kuna dhawaaqay xukun ka eedaysanayaasha. Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidanka Puntland C/laahi Xirsi Cilmi ayaa sheegay in 16 qof oo ka tirsanaa eedaysanayaasha Xabsiga laga siidaayey ka dib markii lagu waayey wax danbi ah halka intii kale lagu riday xukumo 3 ilaa 5 sanno oo xariga ah.

no images were found

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidanka Puntlland Axmed Cabdi Bootaan ayaa isagu ku dhawaaqay xukun lagu riday eedaysanayaasha isagoo xusay in tirad guud ee eedaysanaaysha Maxkamada la horkeenay ay gaarayeen ilaa 49 qof Maxkamaduna ay kiiskooda ku soo diyaaraysay mudo dhan 10 cisho. Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidanka Puntlland Axmed Cabdi Bootaan ayaa sheegay in eedaysanayaashu la xukumay ay  gaarayaan ilaa 25 qof , 19 ka mid ah ay yihiin dhalinyaro ka tirsan ururka Al-shabaab iyo 6 ka mid ah ciidanka Puntlland oo geystay falal lid ku ah  halka 16 qofna laga sii daayey Xabsiga  dhexe ilaa 3 qofna kiiskood dib  loo dhigay.

Dhinaca kale eedeysanayaasha la xukumay ayaa markii xukunka lagu ridayey waxaa goobta joogay Duqa Degmada Gaalkacyo Siciid Cabdi Faarax, Guddoomiye xigeenka Gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi, Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidanka Puntlland iyo Axmed Cabdi Bootaan, Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Darajada Koowaad  C/laahi Xirsi Cilmi

 

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online