Maxkamada Darajada 1aad ee Magaalada Boosaaso oo dil ku xukuntay C/samad Dhicis

November 7, 2012 - Written by

Boosaaso:-Maxkamada Darajada Koowaad ee magaalada Boosaaso ayaa waxay dil toogasho ah ku xukuntay  Gacan ku dhiigle C/samad Xuseen Xaaji Yuusuf (Dhicis) kaasi oo fal dil ah oo aad u naxdin badan kula kacay alaha u naxariistee Marxuum Abaadir Iimaan  oo ay in mudo ah wada deganaayeen .

Gacan ku dhiigle C/samad Xuseen Xaaji Yuusuf (Dhicis)ayaa  jarjaray qeybo ka mid ah Jirkaa Marxuum Abaadir Iimaan  ka dib markii uu khamri ka dhargay sida uu shalay saxaafada u sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Saldhiga Minjir Dhame Xaamud Salaad Cismaan.

Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay dhageystay Eedeynta loo haystay Gacan ku dhiigle C/samad Xuseen Xaaji Yuusuf (Dhicis) waxaana intaas ka dib Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Darajada 1aad ee gobolka Bari Bashiir Ismaaciil Hoobaley uu sheegay in C/samad Xuseen Xaaji uu Qirtay Danbiga loo haysto oo ah in uu si xun u dilay Marxuum Abaadir Iimaan  .

Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari ayaa ku xukumay dil toogasho Gacan ku dhiigle C/samad Xuseen Xaaji Yuusuf (Dhicis) .

Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa aad u soo dhaweeyey xukunka dilka ah ee lagu xukumay Gacan ku dhiigle C/samad Xuseen Xaaji Yuusuf (Dhicis)

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online