Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Boosaaso oo xukun ku riday Eedeysanayaal

November 11, 2012 - Written by

Boosaaso:-Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa xukun kala duwan ku riday eedeysanayaal loo soo qabtay in ay ka ganacsanayeen maandooriyeyaal iyo kuwa kale oo ahaa tuugo taleefanada gacanta ka furta habeenkii shacabka ku dhaqan Boosaaso.

Maxkamada darajada koowaad ayaa waxay soo bandhigtay Khamri tiro badan iyo Bastoolado waxayna eedeysanayaashu qirteen dhamaan eedeynta ay maxkamada u soo jeedisay.

Gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Boosaaso Sheekh Aadan Cabdi Axmed ayaa markii uu dhagaystay eedaynta xeer ilaalinta kadib ku dhawaaqay xukumada eedaysanayaasha wuxaana lagu riday lix ka mid ah eedeysanayaasha sedex sano oo xarig ah iyo ganaax dhan shan boqol oo doolar .

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxay xukun ku riday dhalinyaro tuugo ah oo taleefanada gacanta dadka ka dhaca  waxaana lagu xukumay laba sano oo xarig ah.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online