Nabdoonada Beesha Leelkase oo baaq u diray Puntland iyo Ehelada ragii dilay Sh.Dr.Ahmed Xaji(Dhageyso)

November 5, 2012 - Written by Editor

Gaalkacyo :-Nabadoono iyo Cuqaal ka soo jeeda Beesha leelkase oo kulan ku yeesha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa baaq u diray beelaha ay ka soo jeedaan gacan ku dhiiglayaashii dilay iyo kuwii soo abaabulay dilkii Sheekh Dr Axmed Xaji C/raxmaan allaha u naxariistee oo lagu dilay magaalada Boosaaso 5.12 2011. Isimada iyo waxgaradka Beesha leelkase ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan natiijadii ka soo baxday baaritaankii gudiga madaxa banaan oo ay beeshu u wakiilatay in ay soo baaraan cidii ka danbeysay dilkii foosha xumaa ee loo geystay allaha u naxariistee Sheekh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan .

Nabadoon Maxamed Cilmi Cumar oo ka mid ah nabadoonada magaalada Gaalkacyo kana soo jeeda Beesha leelkase ayaa sheegay in ay taageersan yihiin Bayaankii Beesha leelkase ay ka soo saartay magaalada Gaalkacyo 31.12.2011 wuxuuna ugu baaqay cid walba oo arinka dilka ku lug leh in eheladooda ay soo waafajiyaan shareecada Islaamka ayna soo gacan galiyaan inta dhiman  wuxuuna si gaar ah uga dalbaday beelaha ay ka soo jeedaan ragga dilka sida tooska u geystay in ay soo gacan galiyaan madaama aan nahay buu yiri dad ehel ah oo wada dhashay.

Nabadoon Maxamed Cilmi Cumar ayaa sheegay in Beesha leelkase ay mudo dhan hal sano ay sabrayeen si loo soo baaro loona cadeeyo kuwa dilka u geystay Sheekh Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan raximahulaah si aysan iskugu dhicin dadka ehelka ah wuxuuna sheegay in alle uu soo saaray kuwii dilay Sh.Dr Axmed Xaaji C/raxmaan raximahulaah.

[audio:https://halgan.net/Mp3/Nabadon_Maxamed.mp3]

Cheif Caaqil Cali Maxamed Axmed oo ka mid ah Cuqaasha Beesha Leelkase ayaa isna waxaa uu hoosta ka xariiqay in beesha ay ku qanacsan tahay howshii ay soo qabteen gudiga baarista ee madaxa banaanaa wuxuuna sheegay in ay beeshu ku dhan tahay Bayaanka ay beeshu ka soo saartay magaalada Gaalkacyo .

Caaqil Cali Maxamed Ahmed ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhagarqabayaashii dilay Sheekh Dr Axmed raximahulaah gacanta lagu hayo wuxuuna u mahad celiyey Madaxweynaha Puntland wuxuuna ka dalbaday DFS iyo Puntland in la soo qabto kuwa dhiman iyo in maxkamad cadaalad ah la soo taago kuwa haatan gacanta lagu hayo lagana soo qeyb galiyo maxkamada Isimada iyo Nabadoonada Beesha leelkase.

[audio:https://halgan.net/Mp3/Caaqil_Cali Maxamed.mp3]

Nabadoon Xaaji Maxamuud Ibraahim (Cagmadhige ) ayaa isana goobta ka hadlay wuxuuna ka hadlay qiimaha iyo wasniga uu ku lahaa Sheekh Dr Ahmed Xaji C/raxmaan allaha u naxariistee guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana Puntland wuxuuna sheegay in baarista dilka Dr Ahmed Xaji raximahulaah ay ka qeyb qaateen dad aad u badan wuxuuna sheegay in baarista ay ahayd mid lagu kalsoon yahay .

Nabadoon Xaji Maxamuud Ibraahim (Cagmadhige ) ayaa wuxuu sheegay in umada Soomaaliyeed ay tahay Islaam wuxuuna baaq gaar ah u jeedshay ehelada ragii dilay Sheekh Dr Ahmed Xaji C/raxmaan Raximahulaah wuxuuna ugu baaqay in alle ay ugu dhawaadaan soo qaba shada iyo soo gacan galinta dhagarqabayaasha si ay ku kala badbaadaan dadka ehelka ah ee walaalaha ah wuxuuna xusay in qaarkood la yaqaan halka ay ku sugan yihiin.

[audio:https://halgan.net/Mp3/Xaji_Maxamuud.mp3]

Bayaankii Beesha Leelkase ay ka soo saareen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug Halkan ka Akhriso

Gudiga madaxbanaan ee gacanta ku hayey baarista cida dishay Sheekh Dr Ahmed xaji C/raxmaan Raximahulaah ayaa soo dhigay mareegaha Internetka masawiro iyo Muuqaal ay ka soo muuqdeen qaar ka mid ah rag loo heysto dilka Sheekh Dr Ahmed Xaji C/raxmaan raximahulaah hadaba waxaa la wada dhowrayaa baaqa ka soo baxay Nabadoonada iyo Cuqaasha beesha leelkase sida uu u miro dhalo.

Cabdifitaax Cali
Halgan.net
Gaalkacyo

8 Comments so far

Leave a comment

  1. shiiekh allah ha u naxariisto dadkii gacanku dhiiglayaasha beesha gacantooda ha lasoo galiyo arintuna sidaas ku haboontahay siyaasad iyo iskutuurtuur looma baahna

  2. Asalmu Calaykum, Ilaahay wanaaga hana waafajiyo

  3. Anigu Leelkase maahi, laakiin dilka Dr ka aad ayuu ii xanuujiyay. Allah u naxariisto, Leelkase iyo Puntland toona kama dhiman. Wuxuu ahaa Muslim waxtar leh, oo ummadda islaamka ayuu ka xijaabtay.

    Tan kale in Beesha Leelkase ilama qurxoona in ay ninkaa xijabtay ee meekhaan ka leh beel kusoo celiyaan. Dabcan qaraabadiisii ayaa leh xaqiisa, balse qabiil maya. Wuxuu ka waynaa beel iyo qabiil. wuxuu asagu doortay in uu noqdo Muslim ka soo jeeda dalka Soomaaliya. Fadlan qaddariya qadiyaddiisii.

    waxaa weheliya in Leelkase aysan meesha soo galin beesha ay ka dhasheen kuwii wax dilay. Muxuu yahay xiriirka ka dhexeeya danbiilaha wax dilay iyo beesha ay ka dhasheen? Al-shabaab beel maleh. Waa masiibo Soomaali dulmiga ay isu gaysteen ka dhashay. Danbiilayaasha wax dilay beeshooda maahan, ee waa in Soomaali oo dhami isu kaashataa sidii dadkaas shareecada Islaamka loo horkeeni lahaa. Waliba ragga wax dilay ee dhallinta yar ee maskaxda laga qalday waxaa ka xun kuwa soo diray, ee boqolka dil ee noocaas oo kale ah maalin walba soo abaabula.
    walaalayaal, qabiil ka ay ka dhasheen lama qabaan danbiga ay galeen. waxaa dad badani qabaan in rag beesha Leelkase ku abtirsadaa abaabulka ku luglahaayeen!

    • KU.ABDI BAYLE
      WALAAL WARAKAAD SHEEGATAY WAAN RUN AHADANA REERKU KUAMAQALADANA WAXAAN KAHADLAY WAXAY UBADANYIIH EHALADIISA.
      DADKALAHADALAYNA WAXGARAD IYO KAQAYB QAADASHO AYAA LAGUWAADAA EE CIADNA LAMA IJAAFAY HADAYSAN AYAGU KAHADALNA CIDKALE KAMAFDASHEEN SAAS BAAN ISLEEYAHY RAALINA NOQO QABYAALAD BAAB DARAN EE QABIIKLU HADUU WANAAG KATALAYO AMAAN MAE CEEB KUMALAEH WABILAAHI TAOQFIIQ.

  4. Baaqa waxaa ka dhiman in uu maxkamadda horyimaado ina godane si caddaaladaa loo mariyo, dulmiga uu geystayna looga jaazeeyo. haddii uu diidana la wada rako inuu daalin fulaya yahay.

  5. Salaamu Calaykum

    Waa Bayaan iyo Baaq qiimo gal ah waxaan beesha u soo jeedinayaa in aysan marna ka harin dhagarqabayaashii dilay Sheekh dr Ahmed xaji C/raxmaan Raximahulaah waxaan alle uga baryayaa in uu janatul Fardow geeyo

  6. Asc, Mp3 guys aduunka wuu tagay marka wax kasto hada kadib insha Allah Mp3 noga diga jazaakumulaahu kheeyran

  7. halgan .net waad mahadsan tihiin waxaan idiin kugu dari lahaa nabadoon Max,ed cilmi cumar wuxuu leeyahay naanays dheer oo dadku u wada garanyo oo ah {Dhoonbe}. caaqilku waa waxgaradka cida ee gaalkacyo ninka ugu da,da wayn wuxuuna caan kuyahay naanaysta ( Cali Madoobe}

Leave a comment

*