Naseexadii Sh Cabduqaadir Nuur Faarax ka jeediyey Xarunta Cilmi baarista ee PDRC.[Dhagayso]

November 16, 2012 - Written by

Shabakadda wararka Halgan.net ayaa bulshada Soomaaliyeed u iftiiminaysa  kulan shalay ka dhacay xarunta  cilmi baarista ee PDRC oo kuwa lagu ibtileeyey xiqdiga ay u qabaan Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax ay been abuur ka faafiyaan Sheekha , balse alle mahadiis ayaa bulshada Soomaaliyeed ay ka dharagsan tahay been abuurka ay qoraan  iyo Akhlaaqda xun ee ka fog diinta islaamka oo ay ka dhigtaan gabaadka iyagoo caado ay u tahay in ay caayaan culimada Soomaaliyeed maadaam lagu shaqaalaysiiyey arrinkaas.

Shaqsiga lumay ee caadaystay in uu wax ka sheego Sheekh cabduqaadir Nuur Faaarax  ayaa ah shaqsi aad u liita oo xitaa xishoodka ka tegay oo caadaystay in uu caayo qabiilo iyo beel dhan mana ah shaqsi ka tarjumaya afkaarta iyo mabaadiida uu ku naaloonayo inuu difaaco shaqsigaan ayaa haddii alle idmo waxaa soo bandigi doonaa wax uu yahay waqtiga ugu munaasabsan. Halkaan ka eeg been abuurkii hore ee Sh Laga faafiyeybal laga dabategay

Sheekh Cabduqaadir Nuur Faaarax Allaha dhowree ayaa shalay lagu casumay dood ama kulan ay qabteen Xarunta Cilmi baarista ee PDRC oo looga doodayey  geedi socodka Xisbiyada la doonayo in laga hirgeliyo degaanada Puntlland , kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudiga doorashooyinka ee Puntland(TPEC) , siyaasiyiin , aqoon yahayno, culimo’udiin, isimo  iyo Madaxda dowlladda Puntlland.

Kulanka ayaa waxaa yimid Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen Cabdisamed Cali Shire , Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland Dr.Maxamed Xasan Barre ,wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland.

Kulanka ayaa waxaa kalimada wacdi ah oo diini ah ka jeediyey allaha barakeeyee Fadiilatu Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada ugu waaweyn ee dalka Soomaaliya , Shiikha ayaa waxaa uu dadkii goobta joogay u sheegay in uu isagu yahay Shiikh kalima diisuna ay tahay in uu dadka Alle xasuusiyo waana tan loogu yeertaye hadalka Sheekha uu yirina waxaa ka mid ahaa:-

1- In alle laga baqo oo la xasuusnaado maadaama alle uu yahay midka na abuuray oo isagana aan u laaban doono marka aan dhimano.

2- Waxaan u baahanaya hadii aan nahay dowllada , ama  shacab in aan Allaah u laabano oo aan qaadano Mabaa’diidda Islaamka  oo aan Alle ku caabudno uguna dhawaano Maslaxadeenuna ayaa ku jirto.

3 – In aan Alle uga baqano qofka shaqsiyadiisa iyo Mujtamaciisa, danta guud ee amniga iyo Umaddana in aan alle uga cabsno oo danta gaarka ah aan ka hormarino tan guud.

4- Islaamku wuxuu qabaa in Maslaxada caamka ah laga hormariyo mid gaarka ah waan tan aan soo jeedinayno in lagu shaqeeyo, danta guud haddii ay lunto tan gaarka ah lama hello waa in tan guud markasta la hormariyaa masuuliyaduna waxaa ay saaran tahay qof kasta.

5- Islaamka waxaa uu leeyahay Siyaasad siyaasaduna waa midda ah in umada Maslaxadeeda aduunkeeda iyo aakhiradeeda laga shaqeeyo
loona shaqeeyo diinta Islaamka.

6- Waxaan umada Soomaali ugu yeerayaa dhamaantood midnimo haddii yihiin Puntlland ama Soomaaliba,sababtu in ay umadu midowdo waa diin, oo khilaafku waa shar oo marka danbe cadaab bay ku dhamaanaysaa sidda uu alle ku sheegay Kitaabkiisa Quraanka ah.

7- Waa in si wada jir ah loo ilaaliyaa amaanka iyo danta guud ee umada ka dhexeysa waa biyo kama dhib caan. waxaan filayaa in qofkasta oo wax garanaya wuu ogyahay dhibta ka dhalan karta haddii uu amniga xumaado.

8- Waxaa ugu yeerayaa bulshada in ay wada tashadaan oo talo wadaag noqdaan, xukunka kaliga taliska ah ma fiicna , ha la wada hadlo oo ha la is naqdiyo. laakiin naqdigu waa in uu noqdaa mid aan wax burburinaynin ee wax dhisaya.

9- Siyaasadu waxaa ay u baahan tahay cadaalada ma ah in la is qiimo dilo ama la is caayo ee waxaa la rabaa in cid aad qiimaynayso in aad ku qiimayso si alle ka cabsi ku jiro wax ay ku fiican yihiin sheegto wax ay ku xun yihiin sheeg oo soo bandhig.

10 Maamulka hadda jira ama kan imaan doona waxaa uu u baahan yahay in la waaniyo oo alle la xasuusiyo,oo wax jira loo sheego iyo wax ka dhiman ee loo baahan yahayna loo sheego.

Sheekh cabduqaadir Nuur faarax ayaa waxaa uu ka sheekeeyey dhibaatada soo wajahaday amni xumo degaanka Puntlland gaar ahaan magaalada Garoowe oo xili dadka la gaaray in la dhaco oo dhalinyaradu ay is dilaan maalin cad oo usbuucii 2 qof ilaa 3 qof ay dhimato heer la gaaray in baabuurta iyo hantida dadka la dhaco laguna dhaco duleedka magaalada Garoowe  isagoo sheekhu sheegay in arrinkaas  maamulka hadda jira uu wax ka qabtay.

Sheekh Cabduqaadir Nuur faarax ayaa waxaa kale oo uu si cad u sheegay in maamulku uu wax ka qabtay dagaaladii dhexmaray beelaha iyo dagaalkii dhexmaray ciidanka Puntlland iyo ururka Al-shabaab oo dadku ay in badan ka hadli jireen iyagoo sheegi jiray in dowlladu aysan ka gudbi kari caqabaadkaas jiray walow ay ka gudubtay.

Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa yiri uma jeedo in aan shaqsi amaano balse waxaan ka hadlayo waa aragtidayada oo waxaa jira weli wax  badan oo aan qabsoomin, haddii ay beelaha iyo umadu aysan kuli diyaar u noqon in ay ka shaqeeyaan amaanka iyo nabadgelayada waa adkaanysaa in wax qabsoomaan.

Sheekha cabduqaadir Nuur Faarax ayaa tusaale u soo qaatay in beeluhu yihiin kuwa hubaysan oo haysta hub badan taasna ay sababto mara badan caqabaad oo haddii danbi dhaco ama beel wax la yeelo ama cid wax la gaarsiiyo beeshii oo hubaysan baa imaanaysa taas oo mararka qaar sababta in dowlladad aan si dowlladnimo ah u wajihi karin.

Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax aayaa waxaa uu xusay in uusan isagu ahayn  siyaasi balse culimadu ay taageeri doonaa cid ugu dhow alle
oo Maslaxada iyo umada  diinteeda wax ka qabanaysa , Sh.Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa si kaftan ah u yiri waan ogahay in aad u xamaasay san tihiin dimuquraadiyada aniguse waxba uga leexan mahayo kuna baaqi mayo in Xisbi wadaado furtaan balse waxaan taageeri doonaa cid walba oo umadaan Maslaxadeed aduunyo iyo teeda aakhiro ka shaqaynaysa.

Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa sheegay in dadka reer Galbeedka ah aysan umada Muslinka ah aysan u ogalayn dimuquraadiyada beenta ah oo ay sheegtaan isagoo tusaale u soo qaatay wixii ka dhacay dalka Aljeeriya oo islaamiyiintu ay ku guulaysteen walow sheekhu uu dhaliilsanaa magac islaamiyiinta maadaama umadu ay dhamaanteed tahay Islaam.

Sh.Cabduqaadir Nuur ayaa yiri haddii Bahasha Dimiquraadiyada lagu biyo cabayo walow aan  ogayahay in ay jiraan  Xisbiyo wadaado ah ay iyagu u ololeeya arrinkaas  balse waxaan hubaa in haddii cod la qaado maanta wadaaddadu ay ku adkaan lahaayeen iyagoo aan hub qaadan  sababtuna waxaa weeye  dadku waa Muslimiin waxaan ugu yeeraynaan waa islaamka.

Hoos Ka Dhagayso codka Naseexadii Sheekh cabduqaadir Nuur Faarax uu ka jeediyey Xarunta Cilmi baarista ee PDRC

[audio:https://halgan.net/Mp3/kalimadii Shiikh Cqadir nurr faaraxa oo dhamaystiran.mp3] ama Halkan

 

M_M Deeq
Halgan.net

14 Comments so far

Leave a comment

  1. marka waxaan salaamayaa bahda halgan iyo dhamaan ka qaybqaata yaasha barnaamijyada intaa kadib: waxaan aad usoo dhawaynayaa naseexada sh c/qaadi allaah ha xafidee waxaan oran lahaa waxaa loo baahan in dadku gaar ahaan dhlin yartu ay fahamaan diinta ugan dameeyaan culimadooda waad mahadsantihiin

  2. masha alaah alow xifdi sheekh c/qadir nuur faarax iyo culumada oo dhan waa naasixiin ilaahy naxasuusiya marnaba kama abaal dhicikarno kuwa habawsan oo cayda culumada shaqo kadhigtayna alaha soo hanuuniyo

  3. Ugu horeyntii Halgan Kheyr Allaha idin siiyo sidaad culimada difaaceeda ugu taagan yahiin.Mida labaad Sheekh C/qaadir Nuur Faarax waa Sheekh Caalim ah geesina ah ilaa 1970’s ama todabaataneeyadii usoo taagnaa dacwada towxiidka kana aragti dheer wadaado badan oo Soomaali ah. Kalimada xaqa ahna ugama cabsado cid wax cabsi gelisa. Illaahay ha ku sugo kheyrkaas.Ummada Soomaliyeedna kheyrka Allaha tuso iyo cadaalada, culimadeenana Allaha ka dhigo kuwo ummada maslaxadeeda aan cidna uga gaban.

  4. walaalaha igu gudooma salaanta islaamka swwbr salaanta Islaamka ka dib walaalaha Halgan waxaa leeyahay ku halgama tuugada dhaqanka xun ee aan islaamka aqoon sheekhcabduqaadir waxaan ku xasuustaa masjidkii ceelhindi sida uu wax noo baray uuna dacwada ugu sabray marka wiil xuma oo yurub qabow ku dilay waxba ka qaadi mayo isagaa cuqdad u dhiman doona

  5. scw

    allaha soo qabto kuwa culimada caaya ama beenta ka faafiyo waana suno in Ahlu kheyrka lagu dhibaateeyo diinta ay xanbaarsan yihiin , Sh Cabduqaadir Nuur Faarax waa la yaqaan wax uu diinta u soo qabtay ee wiilsha beenta qora ha is xiijina waa iga talo oo danbi ha korarsanina

    ws

  6. salaamulaahi calaykum

    Waxaan alle sheekha u baryayaa in xifdiyo kuwa dhibta iyo sharta muslinka la jecelna uu alle ku cesh xumaantooda

  7. scw
    walaalaha dhamaan waa salaamay waa wax lala yaabo in wiilka Jooga MN Maraykanka uu u haysto in aan la aqoon ama lala socon wax uu qorayo maalin walba ,qoraalada been abuurka culimada ee uu qora waxaa ka daran dhiiga Sh Dr axmed Xaaji oo uu ka yahay qayb maadaam uu soo qoray maalintii la dilay maalin ka hor in amniyaadka Shabaab loo diro culimada Ictisaam ee uu ka mid ahaa Sh Axmed Xaaji, marka ninkaas taas baan marna ku cafin doonin waana la socdaa in ehelkiisa ay uga digeen wax uu gacanta kula jiro balse uu ka dhagaadaygay waa mahadsan yihiin walaaluhu

  8. salaamucalaykum warxmatulaahi wabarkaatuhu walaaha islaamka
    Sheeq abdulqaadir kheyr faro badan alaha siiyo iyo walaalaha halgan waxaan ka codsanayaa in ay aakhiradooda ilaashadaan oo ay ardaayaas iska daayaan wakhti caqli iyo juhdi ha ku bixina kuwaas waa muraad aldenmaarki oo kale ha ku xiiqina

  9. A/C
    Akhyaarta qoraallada u soo dirta web-kaan waxaan ka codsanayaa inay hadallada qaarkood ka xishoodaan oo wax is kula haraan, aysanna la fogaan carada ay u qabaan Shabaab oo istaahila in loo caroodo ( sida mujrimiinta,tuugada gaalada u shaqaysa,ardaasha iwm ) dhammaan erayadaani waa kuwo aan ku habboonayn in dad culumo ah ama ka ag dhaw ay yiraahdaan. Waxa aynu u baahan nahay waxaa weeye oo kaliya in aanan laga aamusin been abuurka nimankaasi caadaysteen ee dadka mar kasta waxa saxda ah loo caddeeyo iyadoo aynaan sida ay u caytamaan oo kale inaan u caytanno iska ilaalinayna … waxaan kaloo leenahay kitaab lagu aruursho been abuurradooda iyo jawaabaha xaqiiqada ahaa ee been abuurkooda lagu muujinayo halaga diyaarsho meelna ha loo dhigo mustaqbalka Soomaalidu waxna ma qorto waxna way illowdaaye..Walaalkiin Gal-dogob

  10. Salaamulaahi calaykum

    Sheekh C/qaadir ilaahay kheyr ha siiyo wax aan wanaag iyo waano ahayn ma sheegin diinteena Islaamka ayaa qabta in umada madaxdeeda iyo shacabkeeda la waaniyo loo duceeyo loo dhimriyo ee sida shabaabka khawaarijta ah ma qabto in xukumka la boobo umada madaxdeeda lagu baxo dhiiga muslinkana la daadiyo marka hadii aad sheekha ka weydeen waxaad rabteen ma caayeysaan Cajiiib.ilaahay idin soo qabay walee kuwaan gaalnimada ay dad ku sheegayaan iyagaa uga dhaw saa caaydii culumada bay xalaashadeen .Wiil Isbaaro elektarooni ah hawada dhigtay muxuu ka qaadi karaa Sheekh C/qaadir oo ah caalim weyn dowladii kacaanka baa ictisaam wax ka qaadi weysay ee ha daalina yaa mujrimiin .

  11. Sw
    ilaahay ha idin barakeeyo Halgan.net iyo Sheekh Alwaalid C/qaadir Nuur Faarx shaqo fiican baad heysaa ku wada ardaaysha balse ma leh xishood iyo diin

  12. Salaamu cwaraxmah

    Mashalaah Sh C/qaadir alaha xifdiyo isaga iyo culumada kale kuwa buufiska ictisaam uu ku dhacay ha u dhintaan walee Halgan baa meel idiin fadhida tuugada gaalada u shaqeysa

    ws

  13. yaa Muslimiin salaamucalaykum warxmatulaah

    Aad baan ugu raacsanahay walaalkey barakaale fikirkiisa balse aniga ma qabo in laga aamuso mujrimiinta beenta ka sheega culumada waana munkar la radinayo. raga culumada caaya waa laba nooc shaksi cuqdad qabiil ay dilootay oo ciilan iyo shaksi qaatay fikir khawaarij labadana waxaa sharbadan ka qabiilka iyo diinta iska dhiga in uu wato oo is leh dan ama kursi aad gaari weyday ku gaar .Maxay ku kala duwan yihiin Gaabgaab,ina saciid samatar,Dr Cabdiweli iyo faroole iyaga maalin walba so qaatay hadalkoodee oo leh faroole baa la ridayaa adeer umada caruur maaha idin fahantay yaa khawaarij.
    Marka kuwaan ha la buufiyo
    ws

  14. Salaamu Calaykum

    Mashalaah ilaahay ha barakeeyo walaalkeen Maxamed Deeq sida qiimaha badan ee uu soo bandhigay xaqiidada basle waxaan oran lahaa kuwaan khawaarijta ah waa u jabeen fikrad ahaa iyo caskari ahaan hada xoogoodii wuxuu ku soo koobmay been abuur iyo caayda culumada

    Sheekh C/qaadir Nuur Faarax aad bay u taqaan dhalinyarada saxwada islaamka afkana uma duubna qolmugdi ahana kama soo qeyliyo wuxuu diin u arko iyo maslaxada umada si geesinimo leh ayuu sheegaa.

    Hadaan wax yar idiin dulmaro dhibaatada ay shabaab dalka u geysteen
    1-Waxay diideen taladii culumada iyada oo ay ciidamada gaalada madow ay intaan ka yar tahay ayna joogto Dekkda ,garoonka iyo Vila Soomaaliya maanta maxay heystaan oo gaala madow ku fideen Muqdisho ,SH/Hoose Sh dhexe oo ay jowhar uga harsan tahay iyo degaano yar ,Baladweyne,Baydhabo Xudur ,Gedo ,marka laga reebo baardheere iyo gobalka J/hoose gaar ahaan xaruntiisa Kismaayo.

    2-Aaway ragii la rabay in ay difaacaan diinta iy dalka waa kala firxadeen waa horgalayaal cadowga gaalada ku hogaaminaya degaano aysan joogin
    3-Waxay Shabaab laayeen culumadii oo uu u danbeeyey Dr Ahmed xaji,iyo qof kasta oo wax gal umada u ah.

    Marka Soomaali waa fahantay fasaadka Shabaab weyna iska diiday marka ay ugu yaryihiin taageeri mayaan .

    Waxaan kula talin lahaa walaalaha Halgan in aysan wakhti ku lumin beenaalayaasha ilee waxay aamin san yihiin in aan gaalo nahay mar in ay been naga sheegaan waxba kuma ah

    Sh C/qaadir alaha xifdiyo xujadii wuu ku oogay wuuna gutay alaha cimrigiisa dheereeyo

    wasaalamu calaykum

Leave a comment

*