Puntland iyo Galmudug oo ka hadlay dil iyo xarig ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

November 20, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa ka hadlay dilkii loo geystay alaha u naxariistee Nabadoon Aadan Faarax Dheere oo xalay lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaa kale oo uu ka hadlay afduub ka dhacay shalay magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa marka hore tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday  Nabadoon Aadan Faarax Dheere wuxuuna sheegay in dilkiisa uu qeyb ka yahay dilalka lala beegsanayo dadka indhaha u ah magaalada Gaaalkacyo wuxuuna sheegay in ay baaritaan socdaan.

Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa waxaa kale oo uu ka hadalay afduub loo geystay dad rakaab ah oo ka yimid Degmada Goldogob kuna soo jeeday magaalada Gaalkacyo kuwaas oo gaaraya ilaa 5 qof wuxuuna sheegay in ay qafaasheen ehelada mid ka mid ah dhalinyaro ay maamulka Puntland sheegeen in ay yihiin kuwa ka tirsan Ururka Al-Shabaab laguna qabtay boorso weyn oo ay ka buuxaan walxaha qarxa.

Dhanka kale wasiirka warfaafinta ee Galmudug ayaa ka hadlay xariga Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ilkacase) wuxuuna beeniyey in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab wuxuuna sheegay in uu ahaa ganacsade ka xamaasha magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka warfaafinta ee Galmudug ayaa baaq u diray Maamulka Puntland wuxuuna ku baaqay in si dhaqso ah loo sii daayo Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ilkacase).

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online