Puntlland oo dhagax dhigtay dhisme cusub oo loo samaynayo runway-ga Garoonka Boosaaso

November 5, 2012 - Written by

Boosaaso:-Waxaa maanta masuuliyiin kale duwan oo ka tirsan maamulka Gobolka Bari oo uu horkacyo wasiirka Duulista Hawada Puntlland ay dhagaxdhigeen dhisme cusub oo loo samaynayo runway-ga  Garoonka Bandir Qaasim ee magaalada Boosaaso. Masuuliyiinta Gobolka Bari iyo wasiirka Duulista iyo Hawada Puntlland ayaa kormeerkooda ay ku tageen  garoon ka Bandir Qaasim ee magaalad Boosaaso waxaa ku weheliyey ganacsatada Gobolka Bari qaarkood oo iyagu qayb ka ah horumarinta Garoonka  Bandir Qaasim  ee Boosaaso.

Xaflada kooban oo lagu furayey dhismaha cusub ee Runway-ga garoonka Bandir Qaasim ee Boosaaso ayaa waxaa hadalkii ugu horeeyey waxaa jeedisay Agaasimaha Wasarada Duulista Hawada iyo Garoomada dowlladda Puntland Siciido Xuseen iyadoo xustay in ay muhiim tahay in la hormariyo garoonka Boosaaso  oo laf dhabar u ah ilaha dhaqaale  ee degaanada Puntlland.

Waxaa kale oo xafldad  hadalo dhiiri geli ah  ka jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxmed Galan iyo Duqa  magaalada Boosaaso iyagoo ugu baaqay jaaliyaadka dibada iyo ganacsadta  in ay ka qayb qaataan dhismahaan cusub ee Runway-ga ee loo samaynayo garoonka diyaaradaha ee Bandir Qaasim Boosaaso.

Dhinac kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ka muuqday khasaaraha ka soo gaaray roobabkii  dhawaan ka da’ay magaalada iyadoo  saxaafada ka howl gasha magaalada Boosaaso ay nasiib u yeesheen in ay sawiro ka soo qaadaan gudaha Garoonka Boosaaso oo uu dhismihiisa lahaa Madaxweynihii hore ee dowllada Puntlland Gen Cadde Muuse Xirsi.

M_M_Deeq
Boosaso

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online