Ra’iisulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo ku dhawaaqay Golahiisa Wasiirada.

November 4, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha JFS Cabdi Faarax Shirdoon ayaa goordhow ku dhawaaqay Golahiisa Wasiirada ka dib munaasabad lagu qabtay xarunta Villa Soomaaliya golaha cusub ee wasiirada DFS ayaa waxay ka kooban yihiin 10 wasiir waxayna kala yihiin

1-Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada
2-C/llaahi Abyan Nuur Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha diinta iyo awqaafta
3-C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga
4-C/xakiin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka
5-Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil Wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta
6-C/llaahi Ciilmooge Xirsi Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
7-C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Wasaarada Kheyraadka
8-Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy Wasiirka Wasaarada Howlaha guud iyo dib u dhiska
9- Maryan Qaasim Wasiirkii hormarinta iyo adeega bulshada ‘
10–Maxamuud Axmed Xasan Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

A/Cawale
Halgan.net

5 Comments so far

Leave a comment

  1. جاء في صحيح البخاري عن أبي بكرةأنه قال:(لما بلغ النبي صلى الله عليه وسلم أن فارسا ملكوا ابنة كسرى قال: لن يفلح قوم ولوا أمرهم امرأة)وبناء على هذا الحديث انعقد الاجماع على حرمة تولي المرأة الإمامة العظمى،والاتفاق على عدم ولايتها الولايات العامة كالوزارات وديوان الحسبة والمظالم والقضاء،وصار شرط الذكورة شرطا إساسيا في الولاية الكبرى في الفكر السياسي الإسلامي

    Bismillaah Rag Miyaa Lawaaye……….Mise Ragga Muqdisho Fadiyo Rijaal maha…haddi sidaa la yiraah markas dumarka aya ku haboon boosaskan…..Illaahayo ino gargaar

    Reer Halagan Jisakumullahu Khayr AlJazaa
    Wassalam
    Xalane

  2. asc walaalayaal allah xaqa ha ina wada fahansiiyo kuwii qaatana hanaga dhigo gaar ahaana waxaan leeyahay gabadha wasiirka loo magacaabay iyo dadka u qorsheeyeyba allah ha idin fahansiiyo xaqiisa iyo waynaantiisa aamiin dhamaanteed

  3. waa tillaabo horay loo qaaday baan oran karaa soo magacaabidda golaha wasiirrada oo kooban laakiin wasaaraddii ugu mihiimsanayd waxaa laga dhigay qof dumar ah waxaana kaga habboonaa in laga dhigo nin.

  4. Ilaahay dawlad khayr qabta oo diinta iyo dalka shaqaysa haka dhigo, laakin waxaan la yaabanahay dumarka xilalkii ugu sareeyay loo magacaabay, miyay ilawen xaiiskii nabiga sallalaahu calayhi wasallam, ilaahay xaqa hawaafajiyo diintana hafansiiyo hana kadhigo dawlad diinta wax ku xukunta,

    • Asc wrx wbr. Walaal cabdullahi waxaad leedahay waxaa la khilaafay xadiiskii rasuulka, hadana waxaad leedahay ilaahay haka dhigo dawlad diinta iyo cadaalad ku shaqayso ha kadhgo. Waxaa sax ah xadiiska rasuulka scw. Allahna maliibano qoom dumar madax ka dhigtay. Waxaa muhim ah in aynu fahano aduunka Allah ayaa iskaleh asaga ayaana xukuma, cidii uu doono ayuuna madax uga dhigi karaa, laakiin markii ay xaaladu taagantahay bini’aadamka waxaa laga maarmaan ah in aynu raacno jidwalka ilaahay udajiyey aduunkaan cidii rabta in ay liiiban kagaarto. Anigu waxaan katalin lahaa kitaabka rabi aan uwada istaagno si aan liiiban ugaarno. Marna suuragal maaha in wanaag iyo liibaan lagu gaaro xaaraan iyo xalaal isku dhex jirta weliba enega oo islaam sheegananayna. Allah waxaan kabaryayaa in uu umadayda soomaaliyeed fahansiiyo doontaada iyo sidii aan liibaanta ku gaarilahayn.

Leave a comment

*