Shalay oo ku beegnayd Markii Sh Dr Axmed Xaaji lagu dilay magaalada Boosaaso

November 24, 2012 - Written by

Allaha u naxariistee waxaa shalay oo kale oo bisha muslinka ay tahay Isniin, 9 Muharam, 1433 oo ku aadan 5/12/2011 ay koox dhalinyaro ah oo ka tirsan Amniyaadka ururka Al-shabaab ay ku dileen magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Shiikh Dr Axmed Xaaji Isagoo sooma , oo Salaadii subaxna ku tukaday  Jamaaco. Kooxdaan Dhagarqabayaasha ah ayaa waxaa ay Shiikha dileen xili uu ka soo baxay Masjid Ibnu Cali ee magaalada Boosaaso iyagoo rasaas ooda uga qaaday ka dibna goobta ka baxsaday. Dhimashada Sh Dr axmed Xaaji ayaa waxaa la ii soo sheegay isla markii dilku dhacay waqti yar ka dib anigoo hurda waxaan mariiba xiriirr la sameeyey culimada waaweyn ee magaalada Boosaaso oo ii xaqiiyey geerida Shiikh arrinkaas oo aan aad uga naxay anigoo markaas is wiidiiyey su,aalo badan oo ku saabsan cid dilka u geystay Shiikh.

Runtii Geerida Shiikhu waxaa ay noqotay mid ku cuslaatay inta kheyrka jecel aadna ay uga naxeen iyagoo dareensanaa miisaanka dhinac diiniga ah ee uu Shiikhu ku owdnaa balse Alle ayaa cid walba u qoray waqti ay dhimanayso oo aysan dhaafi doonin.

Culimada Soomaaliyeed ee ku nool dunida daafaheeda ayaa hal mar waxaa dhagahooda ay maqleen maalinti Sh Dr. Axmed la aasayey culimada ku nool Boosaaso oo eeda dilka Sh Dr Axmed Xaaji dusha uga tuuray ururka Al-shabaab gaar ahaan kooxda amniyaadka ee uu madaxda u yahay Axmed Cabdi  Godane Arrinkaas oo fajiciso kale ku noqotay ducaad iyo culimada qaarkood walow in badan oo la socday xaalada Shiikha iyo hanjabaadaha u imaanayey ay markiiba rumaysteen qaylo dhaanta ka soo yeertay culimadii ka qayb gashay aaska Shiikh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan walow qaar ay qaadan kari waayeen arrinkaas.

Allaha u naxariistee dilkii Shiikh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan walow uu ahaa mid aad u xanuun badan haddana alle waxaa  uu ka dhigay mid ay umada Soomaaliyeed ka midowday kuwii dilka u geystay Shiikha iyagoo alle ka baryey in uu cuqubo deg deg ah ku rido soona saaro kuwa dilka u geystay Shiikh arrinkaas oo banaanka u soo baxday kuwii dilay Shiikha iyo madaxdii soo amartayna alle ku ciqaabay cadow meel walba kaga yimid.

waxaa kale oo xusid mudan in la qabtay koox ka mid ahayd kuwa dilka shiikh fuliyey waxaan ay bixiyeen qiraal ka dib markii dadka muslimiinta ah ay alle baryeen kuwa maqan ee wax ka fuliyey dilka shiikha waxaa ay ku nool yihiin nolol ciriiri ah, kooxda soo abaabusha dilka Shiikh Dr axmed xaaji kama aysan danbayn oo alle waa u soo dedejiyey cuqubadii.

Dilka loo geysto caalim ayaa ah mid aan cusbay oo waxaa dilal fool xun ay u geysteen kooxa dhinac maray manhajka toos ee Ahlusunaha  Shiikh Dr. maxamed al Dahabi Masar oo ay dileen kooxdii Takfiir walhijra ee dalka Masar, Sh. maxamed Alsaciid iyo Sh. Cabdirizaaq Rajjaam oo ay dileen Xoogaggii hubaysnaa ee Jazaair dhamaan kooxahaas ayaan ka danbayn markii ay laayeen culimadaas.

Kooxda dilka Shiikh fulisay ayaa waxaa madax u ah Axmed Cabdi Godane waan kooxda dilalka qorshaysan fulisay waxaase dhici karta in dad badan oo xubo ka ah ururka Al-shabaab ama taageersan aysan waxba kala socon dilka ama aysan raali ka ahayn arrinkaas oo laga doonayo in ay ficilkaas foosha xun ay ka bari noqdaan oo ay umada u cadeeyaan waan mid kaliya ee danbi gaas foosha xun aan uga bari noqon karno.

Ilaa intii la dilay Shiikh Dr Axmed xaaji ayaa waxaa ka soo wareegay sanad ku dhawaad  waxaan gudi madax banaan oo ka kooban culimo , ducaad,Eheladii Shiikh iyo beesha uu ka dhashay ay ku guulaysteen in ay aqoonsadaan kooxda dilka geystay tiradooda,kooxda soo amartay iyo qaabkii ay u howl galeen arrinkaas oo ah wax alle loogu mahadiyo iyagoo cadeeyey in ururka al-shabaab kooxdiisa amniyaadka ee ka amar qaata Axmed Cabdi Godane ay Shiikha dilkiisa fuliyeen.

Ugu danbayntii waxaa ugu baaqayaa cid walba oo qayb ku lahayd falkii dilka Sh.Dr axmed xaaji in ay alle u laabtaan kana qoomameeyaan falka foosha xun ee ay soo abaabuleen , ayna ogaadaan in uu jiro Alle u jeeda cid walba qalbigeeda  xisaabna ay danbayso , waxaa kale oo xusid mudan in ay jiraa kuwa dilka Shiikh qayb ku lahaa oo jooga dalka dibadiisa waxaana ay uga qayb qaateen ka faafin been abuuro badan inta aan la dilin iyo in markii la dilay ay faafiyeen warar badan oo marin habaabin ah walow aysan waxba u tarin balse maalin la iskula xisaabtami doono maadaama la yaqaan kooxda arrimahaas ku lug leh.

Halkaan ka daalaco qoraaladii iyo muxaadaraadkii ka dib dilkii sh Dr axmed Xaaji allaha u naxariistee

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. asc wr. Rabi ayaa mahad iska leh Rabigaas oo fadeexay dhagar-qabaayshii sheekha dilay, balse walaalayaal soow ma haboona in dhalinta loo hayo dilka iyo kuwa maqanba la horkeeno cadaalada oo loo qasaaso sheekha, haa waa lama huraan in cad kasta oo ay ku caddaato fal danbiyeedkaasi la horkeeno caddaalada loona qasaaso walaakeennii qaaliga nagu ahaa ee SH.DR. Shahiid Axmed X.C/Raxmaan.

Leave a comment

*