Shil gaari oo ka dhacay galabta wadada isku xirta magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso

November 13, 2012 - Written by

Qardho:-Shil gaari oo sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawaca ayaa galinkii danbe ee maanta ka dhacay  wadada isku xirta magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso shilka gaari ayaa waxaa uu ka dhacay Wadada lagu magacaabo Qayaadsame oo u dhexeysa Qardho iyo magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaha Degmada Waaciye Cabdisalaan Bashiir ayaa caawa la hadlay warbaahinta ka howlgasha gudaha magaalada Boosaaso wuxuuna sheegay  in shilka uu ku dhintay hal qof waxaana ku dhaawacmay 9 qof oo kale kuwaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka magaalada Boosaaso.

Shilalka badan ee ka dhaca inta badan Soomaaliya ayaa waxaa loo aaneynayaa khibro yarida darawalada sida xowliga ku wada  iyo dayac badan oo ka jira wadooyinka la isaga goosho magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online