Soomaali ku go’doonsan Jaziirad u dhexeysa Spain iyo Maroco

November 17, 2012 - Written by

Spain:-Dad Soomaali ah ayaa waxay  ku go’doonsan yihiin  Jaziirad u dhexeysa Spain iyo Maroco Dadkan Soomaalida ah oo u badan dhalinyaro, ayaa waxay ujeeddadoodu aheyd inay Spian uga sii gudbaan qaaradda Yurub, iyagoona soo maray dalka Maroco, markoodii horena meelo kala duwan ka kala yimid.

Xero ku taala Jaziirad Spian iyo Maroco u dhexeysa ayaa dadkan lagu xareeyey, walow ay haystaan cuno iyo meel ay seexdaan, haddana waxaa sii yaraaneysa rajadii ay qabeen markii ay marinkan isku soo biimeynayeen.

Dadkan Soomaalida ah ee tahriibayey, ayaa tiradooda lagu qiyaasayaa ilaa 30 qof, waxaana jira African kale oo halkaas kula sugan, iyadoona in halkaas ay gaaraan ay uga baxday qofkiiba dhowr kun oo Doolar, waa dadka ka tagay bariga Africa.

Inta badan dhalinyaradu waa ogyihiin dhibaatooyinka ka horeeya, balse indhaha ayey ka qarsadaan xaqiiqada jirta, iyagoo khatar ay ogyihiin u bareera.

Dhibaatooyinka ay dhalinyaradu la yaacayaan ayaa waxaa ugu wacan xasilooni la’aanta ka jirta waddankoodii hooyo, iyadoo sidoo kale noloshu ay ku xumaatay, balse marna isuma dhigmaan dhibaatada ay ka cararayaan iyo midda uga horeysa halka ay ku socdaan iyo safarka ay u marayaan

Halgan.net/somalireal

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online