Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland oo ka hadlay is rasaasayn ka dhacday Gaalkacyo

November 26, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland Gen, Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa waxaa uu ka hadlay is rasaasay  xalay ka dhacday  Xaafada Garsoor xili ciidanka amaanka Gaalkacyo ay howl galo ka wadeen Magaalada. Taliye ku xigeen ciidanka Booliska Puntlland ayaa sheegay in ciidanku ay bartilmaamsadeen Masjid ka Salaaxudiin oo uu sheegay in ay galeen rag danbiilayaal ah oo ay ciidanku raadinayeen loona haysto in ay magaalada ka geysteen falal amaan daro waa sidda uu hadalka u dhigaye.

Taliyaha  ayaa xusay in howl galkii xalay ay ciidanku dad badan ku qabteen halka qaar ay sii daayeen markii danbe kuwo kalena ay baarayaan weli , waa markii ugu horaysay oo Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska uu eedayn u soo jeediyo Masjidka Salaaxu diin oo ah goob lagu cibaaday sto kuna tilmaamo goob dadka laga u gaarsado oo laguna laayo.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in is rasaasayntu ay dhexmartay koox danbiilayaal ah oo la yaqaan kuna sugan Gal-Mudug iyo ciidanka Booliska ee howl galka waday waxaan ku dhintay 3 qof oo rayid ah oo qof dumar ah ay ku jirto isagoo ku nuux nuux saday in ciidanku ay iska difaaceen danbilayaasha soo weeraray.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Gaalkayo lagu dilay  allaha u naxariistee Nabadoon Aadan Faarax Dheere waxaana lagu dilay albaabka Masjidka Salaaxudiin Salaadii cishe ka dib waxaana dilay laba nin oo Afduuban kuna hubeysan Bastoolado. Nabadoon Aadan Faarax Dheere ayaa waxaa uu ahaa wadaad, Ganacsade iyo Nabadoon caan ka ah magaalada Gaalkacyo kana soo jeeda beesha Leelkase.

Nabadoon Aadan Faarax Dheere ayaa markii la dilayey waxaa la socday Sh Cabdinaasir Faarax Ina Lagu Jire oo la dhashay allaha u naxariistee Sheekh C/casiis Faarax oo ahaa Shiikh caan ka ahaa Soomaaliya.  Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ay la xiriirtay Halgan.net ayaa u sheegay in ciidanka Booliska Gaalkacyo ay ku daba jireen rag looga shakisan yahay in ay ka danbeeyeen dilkii Nabadoon Aadan Faarax Dheere oo lagu dilay Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo 19-11-2012.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online