Wafdi ka socda DFS iyo AMISOM oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta J/hoose

November 2, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wafdi ka socda Dawladda Somalia iyo AMISOM ayaa maanta gaarey magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana wafdiga DFS hogaaminaya Sii hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise socdaalka wafdiga ayaa waxaa lagu sheegay in ay u guurgalayaan xaalada magaalada Kismaayo.

Wafdiga DFS ee uu hogaaminayo Sii hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise ayaa waxaa socdaalkooda ku weheliya taliyaha ciidanka JFS Jen Cabdul Qaadir Cali Diini iyo saraakiil sare oo ka tirsan DFS.

Wafdiga DFS ayaa waxaa ku soo dhaweeyay magaalada Kismaayo dadweyne iyo madax ka tirsan DFS oo uu horkacayo Jen Saxardiid ,Hogaamiyaha Ururka Raaskambooni Axmed Madoobe iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Kenya .

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa saaka si weyn loo adkeeyey waxaana lagu daadiyey wadooyinka soo gala iyo kuwa baxa Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ciidamo tiro badan kuwaas oo hakiyey isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka

Wafdiga DFS iyo Maamulka ku meelgaarka ah ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa la filayaa in ay ka wada hadlaan Maamul gobaleed laga dhisayo gobalada J/Hoose iyo Gedo taas oo ay ku kala aragti duwan yihiin Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud iyo Maamulka haatan gacanta ku haya Kismaayo

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online