Wafdi ka socda IGAD iyo AMISOM oo gaaray magaalada Kismaayo

November 27, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wafdi ka socoda IGAD iyo AMISOM  ayaa dhawaan gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyey guddoomiye ku xigeen ka dhinac amniga ee maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas. Wafdigaan ka socda IGAD iyo AMISOM oo aan imaanshihiisa horay loo shaacin ayaa intii uusan soo gaarin magaalada waxaa la arkeyey ciidamo ka tirsan kuwa DFS iyo Raaskaam booni oo adkeeyey amaanka goobaha u dhow dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Wafdiga ka socda IGAD iyo AMISOM ayaa waxaa ay kulam la qaadan doonaa maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada Kismaayo iyagoo ka xog waraysan doono halka uu marayo shir la doonayo in lagu dhiso maamul gobolleed ay ku midaysan yihiin Gobolka Gedo iyo Jubada Hoose oo ka socday in mudo ah magaalada Kismaayo.

Wafiga ka socda IGAD iyo AMISOM ayaa waxaa kale oo  la filayaa in maamulka ku meel  gaarka ah ee magaalada Kismaayo ay kala hadli doonaa siddii xal iyo is afgarad looga gaari lahaa maamul u samaynta Gobolka Gedo iyo Jubada Hoose oo suxul doon badan iyo xarag jiid uu ka jiro cidii maamul Gobolleed u samayn lahayd ama madax ka noqon lahayd magaalada xeebta ah ee Kismaayo.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online