Wafdi ka socday DFS oo dib looga celiyey magaalada Kismaayo

November 7, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maanta wafdi ka socda DFS iyo AMISOM  ay ka soo degaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ka dibna dib loogu celiyey magaalada Muqdisho iyagoo loo diiday in ay gudaha u soo galaan magaalada Kismaayo.

Wafdigaan ayaa waxaa kulan kula qaatay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo Saraakiil ka tirsan Ciidanka DFS, kuwa Raas kaambooni iyo Saraakiil Kenyaan ah, Wafdiga ka socday DFS ee ka yimid magaalada Muqdisho ayaa waxaa  ka mid ahaa Taliyaha guutada 2aad ee ciidanka DFS  Cabdullaahi Cali Caanood iyo Abaanduulaha ciidanka AMISOM.

Saraakiisha Ciidanka DFS, iyo kuwa Raaskaambooni ayaaa saxaafada u sheegay in wafdiga ka yimid Muqdisho ee ka socday DFS aysan  u ogalaanin in ay gudaha u galaan magaalada sababo la xiriira amaankooda waxayn dib ugu celiyeen diyaaradii ay ka soo raaceen magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ilaa hadda ka soo baxay Madaxda ugu saraysa DFS gaar ahaan Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Saacid.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online