Wariye Ka tirsan BBC-da oo maalintii labaad ku xiran Magaalada Muqdisho

November 22, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wariye Ibraahim Maxamed Aadan oo ka mid ah wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho una shaqeeya Idaacada BBC-da ayaa maalintii labaad wuxuu ku xiray yahay magaalada Muqdisho .Wariye Ibraahim ayaa waxaa uu u xiray yahay maxkamadda ciidamada Melatariga ah waxaana bixiyey amarka lagu xiray Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Liibaan Yaroow .

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Liibaan Yaroow ayaa sheegay maanta in wariye Ibraahim loo heysto warar been abuur ah oo ka sii daayey Idaacada BBC-da uuna ku xiran yahay xabsiga dhexe ee Muqdisho wuxuuna sheegay in uu qirtay danbiga loo heysto.

Gudoomiyaha Maxakmada ayaa sheegay in Bishan horraanteedii uu wariye Ibraahim uu  idaacadda BBC-da kasii daayay war ku saabsan maxkamada ciidamada qalabka ee DFS kaas oo been ahaa wuxuuna codsaday in wakhti la siiyo uu ku soo xaqiijiyo balse uu soo xaqiijin waayey ka dibna la xiray  .Wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayey ka fajicisay xariga wariye Ibraahim Maxamed Aadan .

Gudoomiyaha Maxkamada sare oo wax laga weydiiyay xariga wariyaha  ka gaabsaday balse wuxuu  qiray in uu bixiyey amarka lagu xiray wariye Ibraahim Maxamed Aadan .

Magaalada Muqdisho ayaa ah goobta ugu dilka badan ee lagu laayo wariyaasha ka howlgala warbaahinta kala duwan waxaana ilaa haatan lagu dilay Soomaaliya sanadkan 18-wariye .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online