Xukuumada Cusub ee Raisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo la dhaariyey

November 15, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanta la dhaariyey inta badan wasiirada cusub ee DFS waxaana dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Soomaaliya Caydiid Ilka Xanaf iyada oo wasiirada maanta yimid xarunta golaha baarlamaanka ay dhamaayeen 9wasiir .

Kulankii caadiga ahaa ee ay Baarlamanka DFS ayaa halkiisa ka sii socday markii la dhaariyey qaar ka mid ah wasiirada cusub ee uu soo dhisay Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxaana uu Raisulwasaraha goobjoog ka ahaa dhaarinta wasiiradiisa.

Ka dib markii la Dhaariyey wasiirada cusub ee DFS ayaa waxaa goobta ka hadlay Raiisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in la ansaxiyey wasiiradiisa lana dhaariyey isaga oo mahad balaaran u celiyey gudoonka baarlamanka DFS. 

no images were found

Gudoomiyaha Baarlamanka DFS Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sidoo kale hadal kooban ka jeediyey baarlamaanka DFS markii ay dhamaatay dhaarinta wasiirada cusub ;wuxuuna ugu baaqay wasiirada in ay howsha loo dhaariyey ka soo baxaan lana yimaadaan karti iyo waxqabad.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online