Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga DFS oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

November 29, 2012 - Written by

Hiiraan:-Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee DFS Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ka dib markii uu booqasho ku tagay shalay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee DFS  ayaa kulamo la qaatay maamulka gobolka, kan degmada iyo odayaasha gobolka Hiiraan waxaana uu tacsi u diray dhamaan odayaasha gobalka Hiiraan iyo eheladii uu ka geeriyooday guddoomiyihii golaha odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan Sheekh Muxumed Sheekh Xuseen (Marya-cadde)oo lagu dilay magaalada B/weyne.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee DFS  ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey wasiirka kheyraadka DFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo xildhibaano iyo saraakiil ka socta Dowlada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay ahayd in soo kormeero gobalka iyo in uu latashiyo la soo sameeyo madaxda iyo Saraashiisha gobalka Hiiraan si wax looga qabto amniga magaalada B/weyne  iyo sidii gobalka oo dhan looga saari lahaa Ururka Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee DFS Cabdikariim Xuseen Guuleed  ayaa intii uu shalay joogay magaalada B/weyne waxaa uu booqday dugsiga tababarka ciidanka DFS oo ay gacanta ku hayaan ciidanka dalka Jabuuti oo ka tirsan ciidamada AMISOM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online