Wasiirka G/dhiga oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidanka DFS(Warsaxaafadeed)

November 25, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wasiirka G/dhiga Soomaaliya ayaa maanta kulan deg deg ah la qaatay Taliyeyaasha iyo Taliye Kuxigeennada Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kulankaasi oo daba socday kulan saacado ka hor ay Muqdisho wadajir kula yeesheen Madaxda Sare ee Dalka iyo Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Taliye ku xigeenka Ciidammada ahna Abaanduulaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan,Taliyeyaasha Gaasaska iyo Taliyeyaasha Guutooyinka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.Ugu horeyn kulanka ayaa looga hadlay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo hirgeliyo go’aannadii kasoo baxay kulankii hore ee maanta ka dhacay Madaxtooyada waxaana Wasiirka iyo Taliyeyaasha Ciidammada ay si gaar ah diirada u saareen in la xoojiyo dhismaha Ciidammada Xoogga Dalka si loo helo Ciidammo leh dishibiliin kuwaasi oo kasbada kalsoonida shacabka.Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa ku ammaanay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiisha hogaanka u ah sida ay ugu dahabar adeygeen marxaladihii adkaa ee ay lasoo kulmeen ayadoo Wasiirkana uu xusay iney sabab u yihiin Ciidammada Xoogga Dalka isbedelka maanta uu dalku ku jiro isbedelkaasi oo uu ugu horeeyo in Dalka gudihiisa lagu dhiso Dowlad aan KMG aheyn.
“anigoo og runtii kartidooda Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka horeyna aan usoo wada shaqeynay hadana waxaan u wada shaqeynaynaa si kalsooni leh iyo karti inagoo ka wada shaqeyneyna in dalku uu helo Ciidan Dishibiliin leh taasi oo ah xalka kaliya ee lagu heli karo Ciidammo si hufan u guta waajibaadkooda”ayuuu yiri Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka Difaaca Dalka.Wasiirka Gaashaandhigga Dalka ayaa dhanka kale tilmaamay in dhowaan duleedyada magaalada Muqdisho laga bilaabi doono dayactirka xerooyin gaaraya Seddex kuwaasi oo la doonayo in Ciidammada lagu xareeyo waxaana uu Wasiirka Gaashaandhigga arintaasi uga mahad celiyey Madaxda sare ee Dalka sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Wasiirka ayaa xusay in go’aannada fulinta qodobadii kasoo kala baxay kulammada maanta lagula xisaabtami doono Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana uu rajo ka muujiyey in dhammaan go’aannadaasi ay hirgalaan.Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa yiri “waxaa naga go’an Soo celinta sharafta iyo karaamada Ciidammada Xoogga Dalka sida kaliya ee lagusoo celinkarana waa ayadoo la wanaajiyo dishibiliinka ciidanka taasina waan xoojin doonnaa si ay u ilaaliyaan sharafta iyo karaamada Shacabka”……DHAMAAD………….

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online