Wasiirka Maaliyadda Ee DFS Qado Sharaf U Sameeyey Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Puntland

November 6, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wasiirka cusub ee Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane: Maxamuud Xasan Saleebaan ayaa maanta Qado sharaf u sameeyey Xildhbaanada kasoo jeeda maamul goboleedka Puntland, wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii KMG ahayd, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ugu horayn wasiirkii ku xigeenka Howlaha Guud iyo Guryeeynta ee xukuumadii hore Mudane: Xareed ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan wasiirka cusub ee maaliyadda madaama uu ka soo jeedo maamulka Puntland isla markaana uu ka codsanayo xildhibaanada baarlamaanka inay siiyaan codka kalsoonida Xukuumada uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Saacid, wuxuuna sheegay in wasiirada cusub ay yihiin kuwo tiro yar aqoona u leh howlaha loo igmaday. 

no images were found

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa goobta ka sheegay isagoo ka wakiil ah xildhibaanada ka soo jeeda maamulka Puntland inay siinayaan codka kalsoonida Xukuumada cusub oo uu wasiirka maaliyada ka yahay Maxamuud Xasan Saleebaan, wuxuuna ugu baaqay xildhibaanada kale iyagoo qiimaynaya barnaamijka xukuumada ay soo hor dhigayso Baarlamaanka inay siiyaan codka kalsoonida si dalka looga saaro dhibaatooyinka hareeyey mudada labaatanka sano ka badan.

Ugu danbayntii wasiirka Maaliyadda ayaa uga mahad celiyey sida wanaagsan oo ay u ajiibeen xildhibanada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan marti qaadka uu u fidiyey, wuxuuna si gaar ah codsi ugu diray xildhibaanada baarlamaanka inay siiyaan codka kalsoonida xukuumadda cusub oo noqonaysa xukuumadii ugu tirada yarayd ee soo marta dalka intii uu ku jiray bur-burka
Ahmed H Farah
Dhoodi222@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online