Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta DFS oo Maanta Si Rasmi Ah Ula Wareegay Xilka

November 18, 2012 - Written by

Muqdisho:-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday wasaarada Qorshaynta oo ay ka soo qayb galeen shaqaalaha wasaaradda iyo marti sharaf kale ayaa si rasmi ah wasiirkii hore ugu wareejiye xilka wasiirka cusub.Ugu horayntii wasiirkii hore ee qorshaynta Mudane: Cabdulaahi Goodax Bare ayaa yiri “ Wasaarada qorshayntu waxay ahaan jirtay wasaarad balaaran oo ay ka shaqeeyaan in kabadan 300 oo shaqaale ah maanta waxaa ka shaqeeya 20 qof waxaana sabab u ah duruufaha dalka ka jira oo aysan suurto gal ahayn xiligii KMG lagu jiray in si habsami ah ay wasaaradu u shaqayso, waxaan hubaa in maanta wasiirka cusub uu tayada wasaarada kor u qaadi doono, waxaana xusid mudan in wasaaradu door muhiim ah ka soo qaadatay sidii dalka looga saari lahaa KMG iyadoona wax ka dajisay habkii uu ku shaqaynayey Road Map-ka”

Sidoo kale wasiirka Maaliyada iyo Qorshaynta ayaa ugu mahad celiyey wasiirka cusub sida niyad samida leh oo uu ugu wareejiyey xilka isagoona sheegay in uu ka shaqayn doono sidii loo hor marin lahaa wasaarada.

Wasiirka cusub ayaa ku soo wareegay dhamaan qaybaha ay ka kooban tahay wasaarada isagoona tilmaamay in dayac tiri lagu samayn doono wasaaradii hore ee qorshaynta.

no images were found

Ugu danbayntii wasiirka ayaa ku soo noqday Villa Soomaaliya oo ay ku taalo wasaarada maaliyadda, wuxuun xilka kala wareegay wasiiru dowlihii hore ee wasaarada maaliyada Mudane:Sheekh Adan Madeer isagoona ka war bixiyey habka ay u shaqayso wasaarada wuxuuna sheegay in dalka aan laga samayn karin nabad galyo iyo dib-u-heshiisiin hadii aan qorshe dakhli aruurin ah oo balaaran loo dajin wasaarada maaliyadda, madaama dhaqaaluhu uu yahay midka fududayn kara in wax la qabto.

Ahmed H Farah

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online