Wasiiru dowlaha arimaha sharciga ee Puntland oo kormeer ku tagay Jaamacada Bariga Africa

November 2, 2012 - Written by

Qardho:-Wasiiru dowlaha arimaha sharciga ee Xukuumada Puntland Yuusuf Axmed Kheyr oo safar Booqasho ah ku yimid Jaamacada Bariga Africa Faraceeda Qardho oo horey u ahaan jirtey Jaamacadii Bariga soomaaliya oo Sanadkan noqotay Jaamacada Bariga Africa Faraca Qardho.

 Wasiiru dowlaha Xukuumada Puntland ayaa soo Kormeery dhamaan Fasalada ay ka kooban tahay Jaamacada ,Gudoomiyaha Jaamacada bariga Africa Faraca Qardho ayaa soo wada mariyey dhamaan fasalada ay ka koobantahay Jaamacada wuxuuna wasiirku la dhacay sida ay ardada wax u baranayaan asagoona wasiiru dowlaha la hadlaya ardada ayaa waxa uu yiri  “waxaan aad ugu faraxsanahay in ay Qardho oo ahaan jirtey Magaalo Tacliimeed ay maanta yeelato Jaamacad kuna faraxsanahay Booqashadeyda aan ku imid Jaamacada waxaana idinkula dardaarmayaa inaad waxbarataan.

Jaamacada Bariga Africa Faraca Qardho ayaa waxey leedahay seddex kuliyadood oo kala ah Kuliyada Shareecada, Kuliyada Maamulka iyo Maareynta iyo Kuliyada Computer Science ka waxaana dhamaan kuliyadahaas wax ka barta ardey isugu jira wiilal iyo gabdho

Waxaa sidoo kale booqashada Wasiiru dowlaha ka hadlay Gudoomiyahay Jaamacada Bariga Africa faraca Qardho Cali Maxamed Cali oo sheegey inuu aad ugu faraxsanyahay booqashada wasiiru dowlaha wuxuu sidoo kale sheegey in wasiiru dowluhu uu doonayey inuu soo booqdo jaamacada marar badan laakiin ay usuuroobi weydey laakiin manta  oo Jimco ah ilaahey fadligiis uu soo booqdey Xarunta Jaamacada Bariga Africa Faraca Qardho.

Masawirada iyo codadka dib baan idiinka soo gudbin doonaa inshalaah

Halgan.net
Qardho

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online