Magaalada Beledxaawo oo saaka degan kadib dagaalo culus oo shalay ka dhacay

November 25, 2012 - Written by

Gedo:-Waxaa saaka degan magaaladda Beledxaawo ee gobolka Gedo kadib markii shalay halkaasi dagaalo culus uu ka dhacay magaalada Beledxaawo dagaalkaas oo shalay dhexmaray ciidamada DFS iyo Ahlusuna oo isku dhinac ah iyo ciidanka Ururka  Al-Shabaab .

Dagaalka shalay ayaa waxaa uu qeystay khaasaro kala duwan waxaana shalay galinkii hore magaalada la wareegay ciidamada Al-Shabaab waloow ay ka baxeen galinkii danbe ee shalay waxaana halkaas ku soo laabtay ciidamada huwanta ah ee ka kooban DFS iyo kuwa Ahlusuna.

Waxaa kale oo saaka soo galay magaalada  Beledxaawo ciidamo ka tirsan dalka Ethiopian kawaas oo ka soo talaabay degmada Doolow ee gobolka Gedo iyada oo  dib loo furay goobihii ganacsiga ee magaalada  Beledxaawo ee gobalka Gedo waxaana aad ku arkeysaa Bakhaaradii qaar oo ay ka muuqdaan rasaas tiro badan .

Guddoomiyaha Beledxaawo Diyaad Cabdi Kaliil ayaa warbaahinta u sheegay  in dagaalkii shaley uu ahaa mid si kadis ah lagu soo qaaday balse haatan ay ciidamada DFS iyo kuwa Ahlu Suna ay ku sugan yihiin Beledxaawo.

Afhayeenka howlgala ee Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay dagaalkii shalay in ay khasaaro badan gaarsiiyeen ciidamada DFS iyo kuwa Ahlu suna ayna gaareen ujeedadii ay ka lahaayeen dagaalka wuxuuna sheegay in ciidamadooda ay dib uga saareen magaalada Beledxaawo.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online