2 Qof oo xalay lagu dilay magaalada Garisa ee xarunta Gobolka Waqooyi Bari Kenya

December 10, 2012 - Written by

Gaarisa:-Waxaa magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya lagu dilay xalay ilaa 2 qof oo fadhiyey goob khaadka lagu iibiyo iyadoo la sheegay in 2-da qof ee la dilay mid ka mid ah uu ahaa askari.

Kooxdaan hubeysan ayaa xaafada Gaarisa Yarey markii ay dilka ka geysteen ka baxsaday goobta, goobta dilku ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamo Boolis ah oo bilaabay in ay sameeyaan howl gal ay ku baarayaan kooxda dilka geysatay.

Jawiga magaalada Gaarisa ayaa xalay waxaa mar kaliya is bedelay waxaan dadka qaarkiisa ay xireen goobahooda ganacsiga iyagoo  aaday guryahooda.

Dilka ka dhacay xalay magaalada Gaarisa ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili habeen hore qarax lala eegtay Masjidka Al-hidaaya ee magaalada Nairobi waxaan qaraxa ka dhintay 8 qof waxaan ku dhaawacmay ilaa ku dhawaad 30 qof oo uu ku jiro xildhibaanka laga doorto xaafada Kamakunji Yuusuf Xassan Cabdi.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online