5 ka mid ah Kooxaha Burcad Badeedka ah oo lagu wareejiyey Maamulka Puntland

December 4, 2012 - Written by

Boosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in 5 ka mid ah kooxdii ugu horreysey ee bucad baddeed ah ee ku xirnaa  dalka Seychelles  maanta lagu wareejiyay maamulka Puntland kuwaas oo saaka laga soo dajiyey Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

Agaasimaha hay’adda Puntland u qaabilsan la dagaalanka burcad badeedda Cabdirsaaq Maxamed Dirir Ducaysane ayaa warbaahinta u sheegay in maanta la keenay magalada Boosaaso 5dhalinyaro ah kuwaas oo ku xirnaa dalka Seychelles wuxuuna xusay in heshiis uu dhexmaray dowlada Seychelles iyo Puntland lagu soo wareejiyey dhalinyaradaas.

Cabdirsaaq Maxamed Dirir Ducaysane  Agaasimaha Hay’adda Puntland u qaabilsan la dagaalanka burcad badeedda ayaa sheegay in dhalinyarada ay iyaga doorbideen in lagu wareejiyo Puntland lagu xiro halka  ay ku xirnaan lahaayeen dowlada Seychelles.

Waxaa sidoo kale ka hadlay garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso Taliyaha ciidamada asluubta Puntland Gen. Cali Nuur Cumar wuxuuna  sheegay in maxaabiista maanta la keenay Boosaaso ay  hordhac u yihiin laba boqol oo dhalinyaro ah oo ku xiran xabsiyo ku yaalla dowlada Seychelles.

Ma aha markii ugu horeysay ay dowlada Seychelles ay ku wareejiso Maamulada ka jira Soomaaliya dhalinyaro lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin kooxaha burcad badeed ah waxayna horey dhalinyaro ugu wareejisay Maamulka S/land .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online