Aadan Isaaq Jaamac (Madax-Madow) oo galabta lagu dilay Degmada Baardheere

December 3, 2012 - Written by

Gedo:-Waxaa galabta lagu dilay bartamaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo Aadan Isaaq Jaamac oo loo yaqaanay Madax-Madow oo ahaa oday caan ka ahaa Degmada Baardheere ee gobalka Gedo waxaana dilay laba dhalinyaro oo bastoolado ku hubeysan  iyaga oo markii uu dilka dhacay goobta ka baxsaday.

Ilaa haatan Lama oga cidda dishay Allaha u naxariistee Aadan Isaaq Jaamac oo si weyn looga yaqaan Degmada Baardheere ee gobalka Gedo waxaana haatan gacanta ku haya Degmada Baardheere ciidamada Ururka Al-Shabaab.

Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah saraakiisha ka tirsan DFS ee ku sugan gobalka Gedo ayaa ku eedeeyey dilka Aadan Isaaq Jaamac (Madax-Madow ) in ay ka danbeeyeen Ururka Al-Shabaab.

Ilaa hataan ma jiraan cid sheegatay dilka Marxuum Aadan Isaaq Jaamac oo loo yaqaanay Madax-Madow .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online