Afhayeenka Guddiga Baarista Dilkii Sheekh.Axmed Xaaji oo waraysi bixiyey.[Daawo Video-ga]

December 26, 2012 - Written by

Boosaaso:-Afhayeenka Guddiga Baarista Dilkii Sheekh.Axmed  Xaaji Cabdi raxmaan ayaa waxaa uu waraysi uu siiyey Tv-ga SNTV oo ka xog waramay howsha ay qabteen gudiga baarista ee loo xil saaray in ay soo ogaadaan cid rasmiga ah ee ka danbaysay dilkii Sheekh Dr.Axmed Cabdi xaaji Cabdiraxmaan.

Waraysiga uu bixiyey Afhayeenka Guddiga Baarista Dilkii Sheekh.Axmed  Xaaji Cabdi raxmaan walaal Maxamed Jaamac Xaashi ayaa Tv-ga waxaa uu ka soo daayey kaliya wax yar balse maanta ayaa waxaa suurtagal noqotay in mid ka mid ah masuuliyiinta gudiga baaritaanka dilkii Sh Dr Axmed Xaaji oo weli ku howlan howsha loo igmaday uu soo gaarsiiyo Halgan.net.

Afhayeenka Guddiga Baarista Dilkii Sheekh.Axmed  Xaaji Cabdi raxmaan walaal Maxamed Jaamac Xaashi oo ka mid ah ducaad sida weyn loo yaqaan ayaa si faahfaahsan uga hadlay howsha baaxada leh oo ay qabteen Guddiga Baarista isagoo xusay in howsha ay ugu suurto gashay ducadii umada Soomaaliyeed ee ahayd in alle soo sahlo oo muujiyo kuwa dilay Sheekh Dr Axmed Xaaji iyo bulshada Soomaaliyeed oo ka qab qaatay una istagaay in ay hellaan xog muhiim ah oo ku saabsan kuwa soo abaabulay dilka iyo kooxda fulisay taas oo guul laga gaaray.

Hoos Ka Dhagayso waraysiga Afhayeenka Guddiga Baarista Dilkii Sh.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Xaashi

[audio:https://halgan.net/Mp3/WaraysiAfhayeenkaGuddiga Baarista.mp3] Ama Halkan Mp3

Afhayeenka Guddiga Baarista Dilkii Sh.Axmed  Xaaji Cabdiraxmaan walaal Maxamed Jaamac Xaashi ayaa cadeeyey in dhalinyarad bixinaysa qiraalka aan wax jir dil ah loo geysan iyaguna ay doorteen in wixii jiray ay sheegaan. Waraysiga ayaa ah mid dhamaystiran oo uu Afhayeenka Guddiga Baarista Dilkii Sh.Axmed  Xaaji Cabdiraxmaan uu si faahfaahsan uga hadlay howsha loo igmaday gudiga baarista dilka Sh dr Axmed xaaji allaha u naxariistee.

Afhayeenka Guddiga Baarista Dilkii Sh.Axmed  Xaaji Cabdiraxmaan ayaa ugu danbayntii waxaa uu digniin u jeediyey kuwa doonayey wax aysan waxba kala socon ama burhaan aysan u hayn in ay isku dayaan in ay ka been sheegaan in alle ay ka baqaan oo dad dhagar qabayaal ah aysan u doodin haddii aysan dadkaas ka waantoobin ay waxaan ay tahay taariikh dhibna u keeni doonta mustaq bal kooda danbe.

Hoos Ka Daawo waraysiga Afhayeenka Guddiga Baarista Dilkii Sh.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Xaashi

Waxaa na soo gaarsiiyey Guddiga Baarista Dilkii
Sheekh.Axmed  Xaaji Cabdi raxmaan Halgan.net

10 Comments so far

Leave a comment

  1. asc dhamaan asxaabta halgan inshaa alaah ku wii dilay shiiqa meel xun ayay ku dhimanayaan aamin amin amin amin

  2. khayr allaha siiyo dhamaan inta khayrka ka shaqaynaya ee iska ilaaliya xadgudubka iyo ka gaabinta khayrka wayna ku mahadsan yihiin dhamaan inta howshaan isku xilsaartay Max’ed jaama xaashi waa nin lag yaqaaano dhamaan wixii khayr ah waana nin lagu kal soonaan karo inta aan ka aqaan

  3. shabaab waa dad raba iney dadka diinta kudhibaan marka taa waxaloga hortagikaraa in diinta labarto

  4. Alow sahal amuuraha. Shabaab ilaah ayaa ka shifay. Sidaa daraadeed waa in aan diinta baranaa, si ay noogu noqoto hubkii aan iskaga difaaci lahayn Shabaab iyo wixii diinta Islaamka la’dagaalsan.

  5. scw

    Ilaahay kheyr ha siiyo Maxamed Jaamac waa nin aan ku aqaanaya kheyrka iyo dacwo ka shaqaynta allaha u fududeeyo howsha loo xil saaray howsha aad qabateen allaha idinka ajar siiyo.
    ws

    • Ilaahay ha barakeeyo hana xifdiyo dadka khyrka u taagan waxaan la yaabanahay dadka indho’aanta ku doodaya waxaan ka wadaa ma waxaan ka shakinaa dadkii aan diinta iyo akhalaaqada ku naqaanay oo uu gu wayn yahay sheekh c/qaadir nuur faarax iyo culumada kala duwan sida Umal shibile sheekh daahir aw cabdi , sh cali warsame sh axmed c/samad sheekh c/raxmaan sheekh cumar iyo dhamaan aniga oo aan hallkaan ku soo koobi karin ma intaan intaas ka shakino diintooda ayaan waxaan raacnaa nin aan wepsite yo wax lagu caayo ku aragnay ma oga miyaa waxaa diintaan lagu xifdiyay in ay tahay dad la aaminay warkooda loogana tagay dad kale axaadiistoodii shaki laga qabo amaanadooda iyo xifdigooda cadaadladooda iyo dhamaan inta cilmu musthaluxa asalka looga dhigay waa mahadsan tihiin kala garta qofka layaqaano cadaaladiisa iyo amaanadiisa iyo akhalaaqdiisa iyo diintiisa iyo aqoontiisa iyo mid aan la ogayn meel uu ka soo rooray

  6. asc ilaah hasoo ifiyo kuwa dhimane inshalaah

  7. allshabaabow alle kacabsadoo kuwii dr axmed dilay soo gudbiya waxba dabada hagasha ninee

Leave a comment

*