Al-Shabaab iyo ciidanka huwanta oo uu dagaal ku dhexmaray Qansax-dheere

December 28, 2012 - Written by

Baydhabo:-Dagaal culus oo u dhexeeya ciidanka DFS oo ay kaabayaan kuwa Itoobiya iyo Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay xalay degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya.

Dagaalka ayaa bilaawday ka dib markii ay ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka DFS ee gobalka Bay; dagaalka ayaa socday mudo ku dhow saacad waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilaa haatan Lama oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadkii xalay ku dhexmaray degmada Qansax-dheere ciidamada huwanta iyo ciidamada Ururka Al-Shabaab

Ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya ayaa shalay la wareegay  deegaanka Ow-diinle oo ka tirsan gobolka Bay ka dib markii ay ka baxeen ciidamadii Ururka Al-Shabaab .

Ururka Al-Shabaab ayaa wax ka badalay dagaalkii fool ka foolka ahaa ka dib markii culays melatari ay soo saareen ciidamada AMISOM kuwa Itoobiya oo labaduba kaalmeynaya ciidanka DFS waxayna dagaalkoodii u badaleen weeraro gaado ah .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online