Banaanbax rabshado wata oo ka dhacay magaalada Hargeysa ee xarunta S/land

December 16, 2012 - Written by

Hargeysa:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa sheegaya in banaanbax balaadhan uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Hargeysa gaar ahaan waqooyiga magaaladda, waxaana banaanbaxa dhigayey dadweyne ka soo horjeeda oo diida kala bedel lagu sameeyey xildhibaanaddii soo baxay ee golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa.

Dadweynaha Banaanbaxa dhigayey ayaa waxaa ay gubayeen taayaro iyaga oo dhagxaan ku tuurayey ciidamada amaanka ee magaalada Hargeysa kuwaas oo rasaas kor u ridayey si ay u kala ceyriyaan dadweynaha banaanbaxa dhigayey .

Dadweynahan Banaanbaxa dhigayey ayaa waxay xireen in mudo ah wadooyinkaTogdheer ee  badhtamaha magaaladda, xaafadaha xisbiga ,xaafadda boqol iyo kontonka.dadka banaanbaxa dhigayey ayaa waxay u badnaayeen taaageerayaasha Urur siyaasadeedka Rays oo mid ka mid ah xubnahooda horey u guuleystay la sheegay in haatan haray .

Ilaa haatan  lama sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay Banaanbaxa ka dhacay magaalada Hargeysa marka laga reebo in ciidamada amaanka ay xabsiga dhigeen  ilaa saddex wariye oo u shaqeynayey Tv HCTV.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online