Ciidamada AMISOM oo howlgalo ka sameeyey magaalada Baladweyne

December 1, 2012 - Written by

Hiiraan:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xaruunta Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay maanta howlgaladii ugu horeeyey ay ka sameeyeen magaalada B/weyne iyaga oo dad badan ku soo qabtay xaafadaha kala duwan ee magaalada Baladweyne.

Ciidamada dalka Jabuuti ayaa soo qabqabtay dhalinyaro gaareeysa ilaa iyo 20 dhalinyaro ah waxaana lagu xiray saldhiga magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana howlgaladan ay saaka bilaawdeen 11:00 subaxii.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan Col:Cali Dhuux Cabdi ayaa sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay saaka howlgalo ka fuliyeen xaafado ka mid ah magaalada Baladweyne wuxuuna sheegay in ay ku daba jiraan qaar ka mid ah ragii dilay Gudoomiyahii Golaha odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan Nabadoon Maxamed Sheekh Xuseen Maryacade.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan Col:Cali Dhuux Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay qaadeen isbaarooyin yaalay gudaha iyo daafaha magaalda Baladweyne wuxuuna sheegay in ay fuliyeen amarkii ka soo baxay madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online