Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmada Mahadaay iyo Jowhar

December 9, 2012 - Written by

Jowhar:-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya gobalka Sh /Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ay saaka weerar ku soo qaadeen magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe waxaana u suurto gashay in ay la wareegaan magaalada Jowhar ka dib markii ay halkaas isaga baxeen ciidankii Al-Shabaab.

Inta aysan soo galin ciidanka AMISOM iyo Kuwa DFS magaalada Jowhar ayaa waxaa ka dhacday bililiqo baahsan oo loo geystay xarumuhii iyo xafiisyadii Ururka Al-Shabaab ay ku lahaayeen magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/Dhexe.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay haatan ku sugan yihiin Saldhiga Degmada Jowhar ee xarunta ,Garoonka diyaaradaha iyo xeradii hore ee ciidamada Dowladda  ee Congo.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in ay la waregeen  gacan ku haynta Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe iyada oo la soo sheegayo in ciidamadii Al-Shabaab ay u baqooleen Degmada Buulo burde ee Gobalka Hiiraan  halkaas oo ay ku sugan yihiin Masuuliin ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhacay laba qarax oo lala eegtay ciidamada AMISOM ee markaas soo galayey magaalada Jowhar waxayna ka kala dhaceen deegaanka Uno ee Xaafada Horseed iyo gudaha Saldhiga Booliska Degmada Jowhar ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyada ka dhacay gudaha Degmada Jowhar.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online