Ciidamada DFS iyo kuwa Kaambooni oo weeraray askar isbaaro dhigatay Kismaayo

December 20, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kisnmaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in askar ka tirsan DFS ay saaka isbaaro dhigteen xaafadda dalcadda waxaana ka dib ku baxay ciidamo kale oo ka tirsan DFS iyo kuwa Raaskambooni waxayna ku guuleysteen in ay qaadaan isbaaradii.

Ciidamada dhigtay Isbaarada ee ka tirsan DFS ayaa ka cabanaya Mushaaro la,aan askarta dhigatay isbaarada ayaa waxaa laga soo waramayaa in uu gaaray khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac qaarna la qabtay.

Halgan.net ayaa waxaa ay la xiriirtay C/laahi Xadhuun oo ka mid ah Saraakiisha Ururka Raaskambooni waxaana uu u sheegay in xaalada ay degan tahay aysana jirin wax dagaal beeleed ah oo ka dhacay ama ka socda magaalada Kismaayo.

Goobta ay saaka Isbaarada dhigteen askar ka tirsan DFS ayaa waxaa haatan ku sugan ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa Raaskambooni.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online