Ciidamada DFS oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya oo la wareegay Degmada Ufurow

December 14, 2012 - Written by

Ufurow:-Ciidamada DFS oo ay taageerayaan ciidamada dalka Itoobiya ayaa maanta la wareegay Degmada Ufurow ee gobolka Bay ka dib markii ay halkaas ka baxeen ciidamada Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Ufurow ee gobolka Bay waxaana ay ciidamada huwanta ay fariisimo ka sameysteen duleedka Degmada Ufurow iyo gudaha magaalada.

Wararka naga soo gaaray Degmada Ufurow ayaa sheegaya in wax dagaal ah uusan ka dhicin gudaha Degmada Ufurow .Dhanka kale Afhayeenka Ururka la baxay  Ahlu Sunna ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al Qaadi ayaa waxaa u la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha gudaha magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in ciidamada huwantu qabsadeen Degmada Ufurow waxaana uu ku goodiyey in gobalka Gedo iyo Bay oo dhan ay ka saari doonaan Ururka Al-Shabaab.

Ilaa haatan ma jiraa cid ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay qabsashada Degmada Ufurow ee gobalka Bay.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online