Ciidamada Puntland oo xalay iyo saaka howlgalo ka fuliyey magaalada Gaalkacyo

December 30, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta Puntland ayaa xalay iyo saaka howlgalo culus ka fuliyey xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaana ay howlgaladaas ku soo qabteen dad tiro badan.

Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Mudug Jamaac Maxamed Axmed ayaa sheegay in howlgaladan ay ku baacsanayaan kooxaha amni xumada ka wada magaalada Gaalkacyo ka dib markii dil loo geystay Marxuum Gaboobe Aadan Dalab oo ka mid ahaa Nabadoonada magaalada Gaalkacyo waxaana uu sheegay in la soo qabtay dad looga shakisan yahay dilka alaha u naxariistee  Gaboobe Aadan Dalab .

Howlgalada ay xalay iyo saaka fuliyeen ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo aaday xili shalay uu baaq u jeediyey ciidanka amaanka guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey)isaga oo  ugu baaqay in ay foojignaadaan oo ay amaanka cida wax u dhimeysa ay wax ka qabtaan.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online