Ciidamo ka tirsan DFS oo ku sugan magaalada Baydhabo oo gadood sameeyey

December 19, 2012 - Written by

Baydhabo:-Ciidamo ka tirsan DFS oo ka sugan magaalada Baydhao ee xarunta gobalka Bay ayaa sameeyay gadood ka dib markii ay in mudo ah helin  mushaaraad iyaga oo ka cawday sida ay dowlada Fedraalka Soomaaliya u dayacday .

Ciidamada ka tirsan DFS ee gadoodka sameeyey ayaa waxay fariisimo ka sameysteen deegaanka Manya-Tuurka ee duleedka bari ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay waxaana ciidamada gadooday horkacaya G/sare Cafoon Cismaan waxaa uu sheegay in aysan wax xaquuq ah aysan ka helin DFS aan la siin wax mushaaro ah 7 bilood.

Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Bay Col.Mahad C/raxmaan ayaa waxaa uu xaqiijiyay in ciidamo ka tirsan DFS ay sameeyeen Gadood wuxuuna sheegay in ciidanka ay ka cabanayaan Mushaar la,aan. Gadoodka ciidanka ka tirsan DFS ee gobalka Bay ayaa ku soo aaday xili wasiirka G/dhiga ee DFS uu isbuucii hore gaaray degmada Garbahaarreey isaga oo u qeybiyey mushaaro.

Ciidamada DFS oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya ayaa Degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobalada Bay iy0 Bakool kala wareegay Ururka Al-Shabaab waxaana soo siyaadeysa qeyla dhaanta ka soo yeereysa ciidamada ka tirsan DFS iyaga oo ka cabanaya Mushaar la,aan iyo daryeel xumo.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online