Ciidanka Galmudug oo xoog ku qaaday Isbaaro taalay xaafada Baraxley

December 7, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidanka amaanka ee Maamulka Galmudug State ay xoog ku qaadeen Isbaaro ay dhigteen maleeshiyo ka soo jeeda Galmudug ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Ciidanka Amaanka ee Maamulka Galmudug ayaa digniin siiyey 4 dhalinyaro ah oo Isbaaro dhigatay xaafada Baraxley oo ku taal Koonfurta Gaalkacyo iyaga oo rabay in ay lacago baad ah ka qaataan gawaarida u kala goosha Galmudug iyo gobalada kale ee dalka

Dhalinyarada ayaa diiday in ay qaado Isbaarada waxaana weerar ku qaaday ciidanka Galmudug iyaga oo dilay mid ka mid ragii Isbaarada dhigtay 3 kalana gacanta ku dhigay waxaana lagu xiray saldhiga Booliska .Sarkaal ka tirsan  Booliska Galmudug ayaa saxaafada u sheegay in ay qaadeen Isbaaro la dhigtay Koonfurta magaalada Gaalkacyo wuxuuna digniin u diray cid walba oo isku dayda in ay dhigato isbaaro in ay talaabo ka qaadi doonaan.

Intii uu socday howlgaladii ay ciidanka Galmudug ku qaadayeen Isbaarada ayaa waxaa ay rasaas iyo qoro Zuu ah oo la isku ridayey ay u gudubtay dhanka Waqooyi ee magaalada Galkacyo oo ay gacanta ku hayaan Maamulka Puntland waxaana saqafka uu ka burburay guri ku yaal xaafada  Israac ee magaalada Gaalkacyo.

Taliye xigeenka ciidamada Booliska Puntland Gen, Muxiyadiin Axmed Muuse, Gudoomiyaha Gobolka Mudug  Maxamed Yuusuf Jaamac iyo Duqa Degmada Gaalkacyo Siciid Cabdi Faarax ayaa booqasho ku tagay guriga ay wax gaareen waxayna sheegeen in ay ka xun yihiin dhibaatada dhacday.

Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegay in aysan jirin cid ay wax ku gareen rasaasta u soo gudubtay dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online