Ciidanka badda ee dowllada Puntlland oo howlgal ka sameeyey degaanka Garax

December 11, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Ciidanka badda ee dowllada Puntlland ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen koox burcad badeed ah oo ku dhuumaalaysanayey degaanka Garax oo ka tirsan degmada Garacad ee Gobolka Mudug, iska horimaadka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ciidanka badda ee dowllada Puntlland ayaa waxaa ay dileen ilaa 3 ka tirsan kooxda burcad badeedka ah iyagoona ka qabtay ilaa 5 kale.

Ciidanka badda ee dowllada Puntlland ayaa shalay gaaray degaanka Garax ka dib markii kooxo burcadbadeed ah ay ku soo laabteen degaankaas ka dibna ay ciidanku ku baxeen oo ay hareereeyeen goob ay ku sugnaayeen.

Gudoomiyaha degmada Jariiban ee Gobolka Mudug Sheekh Maxamuud Kaytoon oo ku sugan Garoowe ayaa saxaafada u xaqiijiyey in Ciidanka badda ee dowllada Puntlland ay howl gal ka sameeyeen degaanka Garax oo ka tirsan degmada Garacad ayna ku soo qabteen koox burcad badeed ah.

Gudoomiyaha degmada Jariiban ee Gobolka Mudug Sh Maxamuud Kaytoon ayaa saxaafada u sheegay in ciidanka badda ee Puntlland ay ku ogaadeen kooxdaan burcadbadeedka ah ka dib markii ay degaankaas ku sahmiyeen diyaarad ka dibna ay kooxda burcadbadeedka ah ay ku soo rideen rasaas.

Gudoomiyaha degmada Jariiban ee Gobolka Mudug Sh Maxamuud Kaytoon ayaa sidoo kale sheegay in degmada Jariiban laga tirtiray kooxaha buracadbadeedka ah iyadoo ciidanka Puntlland oo kaashanaya dadka degaanka ay la dagaalami doonaa kooxahaas burcad badeedka ah oo doonaya in ay mar kale gabaad ka dhigtaan degaanada ku xeeran Degmada Jariiban.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online