Ciidanka DFS iyo Kuwa AMISOM oo howl galo ka bilaabay saaka magaalada Jowhar

December 12, 2012 - Written by

Jowhar:-Ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ay saaka ka bilaabeen gudaha iyo daafaha magaalada Jowhar howl galo ay ku baarayaan hub  iyo miinooyin  xili xalay qarax uu ka dhacay magaalada Jowhar oo ay gacanta ku hayaan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS.

Ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS ayaa waxaa ay xaafadaha kale duwan ee magaalada Jowhar ay ka baarayeen in lagu aasay miinooyin ama in ay yaalaan hub , ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in daafaha magaalada Jowhar ay ka qarxi yeen dhowr miino oo lagu aasay.

Xalay ayaa waxaa ka dhacay magaalada Jowhar qarax lala beegsaday ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM xili ay marayeen Buundadda kala qaybisa xaafadaha Hanti wadaag iyo Horseed waxaan soo gaaray ciidanka khasaaro aysan shaacin saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.

Dhinaca kale maamulka gobolka Sh.Dhexe ayaa saxaafada u sheegay in howl galku uu sii socon doono ilaa inta laga sugayo amaanka guud ee magaalada Jowhar waxaan dadkii saaka lagu qabtay howlgalka lagu xiray Saldhiga magaalada Jowhar.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online